Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu ku howlan yahay isu soo dhaweynta Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare C/weli.
Wararku waxa ay sheegayaan in Jawaari uu kulamo dhowr ah la kala qaatay Labadaasi Mas’uul, islamarkaana uu sharaxaad dheer ka siiyay qaabka ugu haboon ee lagu xalin karo Khilaafka.
Jawaari ayaa waxa uu dadaal xoogan xiligaani ku bixinayaa xalinta Khilaafka, isagoona xooga saarayo sidii ay kulan Isfahan ah ku wada qaadan lahaayen Xasan iyo C/weli oo iminka isaga dhow sidii hore.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan iyo Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axmed, ayaa muujinaayo dabacsanaan ku aadan xal ka gaarista Khilaafkooda, waxaana la soo warinayaa inuu socdo fursado lagu kulansiinayo Labada Mas’uul, inkastoo aan weli la Ogeyn sida uu noqon doono xaalka.
Si kastaba ha ahaatee, R/W C/weli ayaa horay u shaaciyay inuu diyaar u yahay wada hadal uu la galo Madaxweyne Xasan, halka Madaxweynuhuna uu arrinkaasi ka biyo diiday, walow ay hadda muuqaneyso ifafaalo muujineyso isu soo dhawaanshaha Labada Mas’uul oo uu u dhaxeeyay Khilaaf adag.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]