26.8 C
Mogadishu
Saturday, March 28, 2026

JD Vance oo si xun u weeraray Netanyahu kadib khiyaanadii uu ku sameeyey Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa la sheegay inuu wadahadal adag oo taleefan ah la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, isaga oo ku eedeeyay inuu si xad-dhaaf ah u buunbuuniyay suurta-galnimada in nidaamka Iran si fudud loo wiiqi karo ama isbeddel xukun uu ka dhici karo dalkaas.

Vance ayaa Netanyahu u sheegay intii lagu jiray wicitaankaasi in qaar badan oo ka mid ahaa saadaashii uu hore ugu gudbiyay madaxweyne Donald Trump aysan dhab noqon, gaar ahaan qiyaasihii la xiriiray jihada dagaalka iyo natiijada laga filayay cadaadiska militari ee saaran Tehran.

Inkasta oo hoggaanka sare ee Iran uu wajahay cadaadis culus, haddana garabka mayalka adag ee talada haya ayaa weli si adag u xajistay awoodda, islamarkaana nidaamka dalkaasi man muujin calaamado jab siyaasadeed oo degdeg ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Netanyahu uu Trump hore ugu qanciyay in dagaalku noqon karo mid sahlan oo fursadda isbeddelka nidaamkuna ay aad u sarreyso, balse Vance uu hadda si cad uga muujiyay shakiga uu ka qabo qiimeyntaasi.

Vance, oo la sheegay inuu markii hore ka digay in Mareykanku si buuxda ugu lug yeesho dagaalka Iran, ayaa haatan loo xil saaray inuu door muuqda ka qaato dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda. Tallaabadaasi waxay ka tarjumeysaa doorka sii kordhaya ee uu ku leeyahay diblomaasiyadda maamulka Trump ee ku wajahan Bariga Dhexe.

Maalin kadib wicitaankii Netanyahu, warbaahin midigta u janjeerta oo Israel laga leeyahay ayaa qortay war sheegaya in Vance uu si caro leh ula hadlay ra’iisul wasaaraha Israel arrin la xiriirta rabshadaha ay Yahuuda la deegaameeyey ka wadaan Daanta Galbeed.

Saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ayaa warkaasi ku tilmaamay mid aan sax ahayn, waxayna muujiyeen shaki ah in si ula kac ah loo faafiyay si sumcadda Vance loo dhaawaco.

Dhinaca Israel, sarkaal ayaa beeniyay in xafiiska Netanyahu uu warkaasi ka dambeeyay, isaga oo sheegay in si buuxda loo diiday markii wariyayaashu wax ka weydiiyeen.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay, Vance wuxuu si firfircoon uga dhex muuqday dadaallada diblomaasiyadeed ee la xiriira Iran, xilli Trump uu doonayo in colaadda la soo afjaro toddobaadyada soo socda.

Waxaa la sheegay inuu la kulmay saraakiil sare oo ka socday Imaaraadka Carabta iyo ra’iisul wasaaraha Qatar, iyadoo kulamadaasi diiradda lagu saaray joojinta dagaalka iyo taageerada la siinayo xulafada Khaliijka.

Sidoo kale, Aqalka Cad ayaa diblomaasiyiin shisheeye u sheegay in suuragal ay tahay in Vance hoggaamiyo wafdi Mareykan ah oo ka qeyb gala wadahadallo heer sare ah oo lala yeesho Iran.

Dhexdhexaadiyeyaal ka kala socday Pakistan, Masar iyo Turkey ayaa lagu wargeliyay in diyaar u ahaanshaha Washington ee ah in Vance hoggaamiyo wada-xaajoodka ay caddeyn u tahay sida uu Trump uga go’an yahay in xal siyaasadeed la gaaro.

Khamiistii, Trump ayaa ku dhawaaqay inuu muddo 10 maalmood ah dib u dhigay hanjabaaddii ahayd in la duqeeyo xarumaha tamarta Iran, isaga oo sheegay in tallaabadaas lagu saleeyay codsi ka yimid dowladda Iran, islamarkaana wada-hadalladu ay weli socdaan. Wuxuu xusay in hakintaasi socon doonto illaa Isniinta, 6-da Abriil 2026, saacadda 8:00 fiidnimo ee waqtiga Bariga Mareykanka.

Qorshaha la sheegay in Mareykanku soo bandhigay ayaa ka kooban qodobo culus oo Iran looga dalbanayo inay burburiso awooddeeda nukliyeerka iyo gantaallada riddada dheer, dib u furto marin-biyoodka Hormuz, ayna jarto xiriirka ay la leedahay kooxaha hubeysan ee ay taageerto gobolka.

Hase yeeshee, warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in Tehran ay diidday soo-jeedinta xabbad-joojinta. Bedelkeeda, Iran waxay dalbaneysaa in la xiro dhammaan saldhigyada Mareykanka ee Khaliijka, in magdhow la siiyo, isla markaana la joojiyo weerarrada militari ee Israel ka waddo Lubnaan gaar ahaan kuwa lala beegsanayo Hezbollah.

Tehran ayaa sidoo kale dooneysa inay gacanta ku dhigto marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin istiraatiiji ah oo maraakiibta caalamka ay ka gudbiyaan qayb weyn oo shidaalka dunida ah, si ay ujro uga qaaddo maraakiibta halkaasi isticmaasha.

Sarkaal ka tirsan maamulka Trump ayaa ku tilmaamay dalabaadka Iran kuwo aan macquul ahayn oo aad uga fog xaqiiqada, isaga oo sheegay in gaarista heshiis hadda ay ka sii adag tahay sidii ay ahayd kahor inta aanu dagaalku bilaaban, xilli Aqalka Cad uu sidoo kale eegayo xulashooyin militari oo kale.

Jimcihii, ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa uga digay shacabka Bariga Dhexe inay ka fogaadaan goobaha ku dhow ciidamada Mareykanka, taas oo loo fasirtay fariin muujinaysa in Tehran aysan jilicsaneyn inkasta oo Trump uu sheegay in wadahadalladu si wanaagsan u socdaan.

Dagaalka oo galay toddobaadkiisii shanaad tan iyo weerarradii ugu horreeyay ee Mareykanka iyo Israel ay ku qaadeen Iran 28-kii Febraayo, cabsi xooggan ayaa weli ka jirta gobolka, iyadoo dadka rayidka ah ee ku nool Tehran iyo magaalooyin kale ay muujinayaan welwel isa soo taraya oo ku saabsan mustaqbalka colaadda iyo rajada nabadeed ee sii yaraaneysa.

- Advertisement -

Read more

Local News