Jeneraal Bashiir Goobe oo xilka ka qaaday Yaasiin Farey, magacaabay agaasime cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA uu dhawaan u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa agaasimaha Nabadsugida ee gobolka Banaadir u magacaabay G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac).

Xilkan ayaa waxaa horey u hayey Yaasiin Farey, inkasta oo markii dambe Farmaajo uu sheegay inuu u magacaabay agaasimaha hay’adda NISA. Warqadda Bashiir Goobe, laguma soo hadal qaadin Yaasiin Farey.

Waraaq magacaabis oo kasoo baxday Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA ayaa waxaa lagu faray dhamaan agaasinada hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka inay ka gutaan mid walba waajibaada kaga aadan.

“Danta shaqada qaranka awgeed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15.09.2021, waxaan u magacaabay Sarkaalka G/lle: Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac) inuu noqdo Agaasimaha HNSQ ee Caasimadda,” ayaa lagu yiri waraaqda.

Ugu dambeyntiina Agaasimaha KMG ee NISA, Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa sarkaalka cusub u rajeeyay guul iyo shaqo wacan.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay weli taagan tahay xiisada ka dhalatay magacaabista Agaasimaha KMG ee NISA, kadib markii uu xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha agaasimihii hore, Fahad Yaasiin oo ay saaxiib dhow ahaayeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.