25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Jibriil oo war culus soo saaray kadib markii la sheegay in laga soo masaafuriyey Kenya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Jibriil Xaaji Cabdirashid ayaa si adag u beeniyey eedeymo la xiriiriyey safarkiisii ugu dambeeyey ee dalka Kenya, kadib markii ay soo baxeen warar sheegayey in laga soo masaafuriyey garoonka diyaaradaha ee Nairobi.

Jibriil ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in eedeymaha baraha bulshada lagu faafiyey ay yihiin kuwo “been ah, aan sal lahayn, isla markaana aan xaqiiqo lagu taageerin.”

“Waxaan gebi ahaanba diidayaa eedeymahan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Bayaanka ma uusan si toos ah ugu faahfaahin waxa saxda ah ee dhacay intii uu ku sugnaa Kenya, mana uusan si cad uga hadlin wararka sheegaya in laga masaafuriyey Nairobi. Hase yeeshee wuxuu si xooggan u beeniyey in uu ku lug lahaa wax kasta oo waxyeeleyn kara amniga ama madax-bannaanida Soomaaliya iyo Kenya.

“Marnaba ma sameyn wax lagu wiiqayo amniga, madax-bannaanida, xasilloonida ama midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Kenya ama Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri.

Warbaahinta Kenya iyo wakaaladda Reuters ayaa horey u baahiyey warar sheegaya in Jibriil laga celiyey garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, kadib markii saraakiisha socdaalka Kenya ay su’aalo ka keeneen dokumiinti safar oo la sheegay in uu la xiriiray baasaboor Kenyan ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegay in eedeymo amni lagu xiriiriyey safarkiisa, kuwaas oo qaarkood taabanayey deegaannada xadka Kenya iyo Soomaaliya. Ma jirto caddeyn rasmi ah oo si madax-bannaan loo soo bandhigay oo xaqiijineysa eedeymahaas.

Jibriil ayaa bayaankiisa ku adkeeyey in Kenya ay tahay dal muhiim u ah Soomaaliya, isaga oo sheegay in labada dal ay wadaagaan xiriir taariikhi ah, ganacsi, dhaqan iyo mid bulsho.

“Jamhuuriyadda Kenya waxay weli ka mid tahay saaxiibbada ugu dhow uguna qiimaha badan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in dowladda iyo shacabka Kenya ay Soomaaliya garab istaageen waqtiyo adag, gaar ahaan martigelinta qaxootiga Soomaaliyeed, taageerada arrimaha bani’aadannimo, amniga gobolka, iyo dadaallada dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya.

“Taageeradaas waxay mudan tahay aqoonsi iyo mahadcelin,” ayuu yiri.

Eedeymo aan la xaqiijin

Bayaanka Jibriil ayaa u muuqda isku day lagu qaboojinayo xiisad ka dhalatay wararka ku saabsan safarkiisa Kenya, xilli labada dal ay weli leeyihiin dano amni iyo dhaqaale oo isku xiran.

Kenya ayaa muddooyinkii dambe walaac ka muujineysay amniga xadka ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab, hubka sharci-darrada ah iyo isu socodka aan la xakameyn. Dhanka kale, Soomaaliya ayaa ku jirta dadaallo ay ku xoojineyso xiriirka gobolka, kadib markii ay si buuxda uga mid noqotay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay inuu weli ka go’an yahay xoojinta wada-shaqeynta Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan amniga, ganacsiga, maalgashiga, kaabayaasha dhaqaalaha, is-dhexgalka gobolka iyo xiriirka shacabka labada dal.

Wuxuu sidoo kale shacabka iyo warbaahinta ugu baaqay in aysan faafin warar aan la xaqiijin.

“Waxaan ugu baaqayaa xubnaha bulshada iyo warbaahinta inay ka fogaadaan faafinta warar aan la hubin,” ayuu yiri.

“Waxaan mar kale xaqiijinayaa sida ay iiga go’an tahay nabadda, dowladnimada dastuuriga ah, iskaashiga gobolka iyo wada-hadal wax-dhis leh oo lala yeesho Jamhuuriyadda Kenya.”

Dhacdadan ayaa imaneysa xilli Soomaaliya iyo Kenya ay isku dayayaan inay xoojiyaan xiriirkooda, balse weli ay jiraan arrimo xasaasi ah oo ku saabsan amniga, socdaalka iyo xadka labada dal.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News