28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Jubaland oo si yaab leh ula safatay Itoobiya, eedeyn u jeedisay Masar iyo Eritrea

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay xaaladda gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda ka taagan gobolka ay ku lug leeyihiin dalal shisheeye.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya ay Gedo usoo rartay aragtida dalalka Masar iyo Eritrea, ayna ka digayaan arrintaas, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan ogoleyn in dowlado shisheeye ay ku hardamaan gobolka Gedo, isla markaana loo soo wareejiyo khilaafaad ka dhexeeya dalal kale oo waawayn, maadaama ay is hayaan saddexda dal ee kala ah Itoobiya, Eritrea iyo Masar.

”Gobolka Gedo waxaa loo soo wareejiyay aragtida Masar iyo Eritrea annagu marabno in deegaankeenna la keeno khilaafaadka dalal kale” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Eedeytan culus ee ka timid Jubaland, loona jeediyay Masar iyo Eritrea ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan xiisadda gobolka Gedo ay farogelin ku hayo dowladda Itoobiya, waxaana maanta ciidamadeeda ku sugan Doolow ay soo saareen amar culus oo ay dul-dhigeen Cabdirashiid Janan iyo ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Beledxaawo, iyaga oo u qabtay in magaaladaas ay uga baxaan muddo saddex cisho gudahood ah.

Cabdullahi Shimbir oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo, isla markaana taabacsan dowladda federaalka ah oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay u yeereen odayaasha deegaanka, kadibna ay la wadaageen amarka ay soo saareen ee la dul-dhigay ciidamada dowladda ee deggan xerada UK, isla markaana dhowaan qabsaday Beledxaawo.

“Ciidamada Itoobiya amaro ayay bixiyeen oo ku aadan ciidamada dowladda oo xerada UK deggan iyo madaxda dowladda ee halkaas joogta qaasatan Cabdirashiid Janan waqti ayay qabteen oo saddex berri ah” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Hadda ogow meesha ay waqtiga ku qabanayaan oo ay joogaan waa gobol Soomaali ah meesha ay leeyihiina halaga baxo waa Beledxaawo waddan Itoobiyo ma’ahan”.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerareen xerada ciidamada NISA ee Doolow, iyaga oo gebi ahaan cagta mariyay, kadibna soo xiray taliyihii xeradaasi, mana jiro illaa iyo war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka, kuna aadan xadgubka Itoobiya.

- Advertisement -

Read more

Local News