Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayso masiibo qaran, taas oo ka dhalatay hoggaan-xumo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Jubaland, Maxamed Xuseen Oogle ayaa masiibada qaran ee wajahayso Soomaaliya ku eedeeyay hoggaanka ugu sarreeya ee Dowladda Federaalka.
“Rejadii laga qabay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ma muuqato maanta,” ayuu yiri Wasiirka oo sheegay in jihadii laga filayay hoggaanka dalka ay noqotay mid ka duwan xaaladda dhabta ah ee maanta taagan.
Wasiirka oo warbaahinta kula hadlayay garoonka Kismaayo ayaa tilmaamay in dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah, isla markaana ay jiraan walaacyo la xiriira ku tumashada dastuurka, ku tagri-fal awoodeed iyo raacid la’aan nidaamka sharciyeed ee lagu heshiiyay.
“Xaaladdan ayaa halis ku ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xilli la sheegayo in waqtigii dastuuriga ahaa ee hay’adaha qaar uu dhammaanayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka.
Dhinaca kale, Wasiir Maxamed Oogle ayaa sheegay in shirka Kismaayo ee haatan u madlan yihiin mucaaradka ay ujeeddadiisu tahay in dib loo hago jihada siyaasadda qaranka.
Shirkan ayuu sheegay in lagu martiqaaday madaxda hore ee dalka iyo dhammaan dhinacyada mucaaradka ah, isagoo sheegay in shirka Kismaayo laga filayo talooyin iyo go’aanno lagu wajihi doono hoggaanka dowladnimada Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu xusay in dalka u baahan yahay hoggaan mideeya ummadda, hagaya jihada saxda ah, isla markaana ku shaqeeya dastuurka.
“Talooyinka ka soo baxa shirkaan waxay gacan ka geysan doonaan xasillinta siyaasadda dalka,” ayuu yiri Wasiirka oo rejo ka muujiyay natiijada shirweynaha Kismaayo.
Shirweynaha Kismaayo ayaa mucaaradka kaga hadli doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, oo ay go’aanno ka soo saarayaan, xilli ay billooyin kooban ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Puntland oo qayb ka ah Golaha Mustaqbalka, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku bahoobay Madasha mucaaridka iyo madaxda Jubaland oo keli ah ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey in wejiga koowaad ee shirka ka qeyb-galayaan.
Shirweynahan ayaa waxaa la sheegay inuu qayb ka ahayn Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo beesha caalamka ay si gaar ah isha ugu hayso go’aannada shirkan, xilli dowladda federaalka ay sii waddo qorsheheeda doorasho toos ah.
Shirweynaha Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu noqdo midka ugu weyn ee mucaaridku qabsado, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo qeyb ka aheyn golaha ay qeyb ka noqdaan.
Shirweynahan ayaa qorshuhu yahay in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan uu goluhu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray arrintaas.
Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka.
Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

