26.7 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Jubba: Heshiiska aan DF la galnay waa in ciidanka Barre ay isku soo dhiibaan boqol boqol hubkana laga dhigo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online Maamulka KMG ah ee  Jubba ee Magaalada Kismaayo oo ka hadlay qaabka Ciidamada dowlada Somalia iyo Kuwa Barre Aadan Shure Hiiraale, ay magaalada Kismaayo kugaarayaan ayaa sheegay inay tahay qaab isku dhiibtaan ah sida uu sheegay.

Cabdi Qani Cabdi Jaamac, wuxuu ka mid yahay la taliyeyaasha hogaamiyaha Maamulka Jubba Wareysi uu siiyay BBC -da ayuu ku sheegay in Ciidamada Barre Hiiraale iyo Kuwa dowlada laga doonayo in marka ay Kismaayo ay gaarayaan Ciidamada in Maamulka Jubba iy isku Dhiibaan si Hubkadhigis loogu sameeyay.

Arintan ayuu sheegay inay qeyb ka tahay waxyaabihii ay ku wada heshiiyeen Dowlada Federaalka Somalia iyo Maamulka Jubba, Kadib kulankoodi Mudada labada maalin ah uga soconayay Magaalada Kismaayo.

Isagoo Faah Faahinaya qaabka Kismaayo ay ugaarayaan ayuu sheegay in Boqol Boqol, ama Koox Koox, ay u gaarayaan Magaalada Kismaayo , isla markaana markii ay Magaalada Kismaayo tagaana Hubka dhigis lagu sameynayo laguna Xareynayo Xiryaha Ciidamada  .

Cabdi Qani Cabdi Jaamac, wuxuu sheegay in maamulka Jubba ay aqbaleen arintaasi, ciidamada marka lakala saaro kadibna qaar la howlgelinayo, halka qaar kalena uu sheegay in lagu haynayo xerada ilaa dhaqancelin lagu sameeyo.

Gudi isku dhaf ah oo ka kala socda dowlada Somalia , Maamulka Jubba iyo Ciidamada AMISOM, ayuu shegay inay ka shaqeyn doonaan Soo xareynta Ciidamada dowlada ee la sugayo inay Kismaayo tagaan .

Wuxuu sheegay in aan la isku soo hadal qaadin isla-markaana uusan ka war heyn wararka sheegaya in Barre Hiiraale uu isi soo dhiibayo kadibna lagu soo wareejinayo dowlada Federalka Somalia

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Dheere, oo isna Dhankiisa BBD-da la hadlay wuxuu sheegay in ciidanka soo xareyntooda ay ka shaqeyn doonaan guddiyo kala duwan , Balse wuxuu Meesha ka saray arinta hub ka dhigista iyo isa soo dhiibitaanka in heshiiska uu ku jiray.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaa Heshiis ku kala saxiixday dowlada Somalia iyo maamulka Jubba oo mudooyinka isku qilaaf sanaa shirka aayaha Gobolada jubboouyinka iyo Gedo ee Muqdisho iyo dib u  celinta ciidamada dowlada ee Magaalada Kismaayo.

Si kastaba, Axmed Madoobe ayaa oggolaaday in uu ka qaybgallo shirka 2-da bisha November ka dhacaya Muqdisho, kaasoo looga hadlaayo arrimaha Jubbooyinka.

Sidoo kale waxaa la isku raacay in shirka wajiga labaad uu ka dhaco magaalada Kismaayo isla halkaasna uu tago madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News