JUBBALAND oo baareyso ‘xasuuq ay ciidankeeda ka geysteen’ tuulada Qudus

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa si kulul uga hadlay wararka sheegaya in ciidamada Jubbaland iyo kuwa Danab ay xasuuq ka geysteen deegaan hoostaga magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Qudus.

Sayid Aadan oo kulan la yeeshay xildhibaano ka tirsan Jubaland ayaa sheegay inay cabasho kasoo gaartay howlgal ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland ka sameeyeen deegaanka Qudus oo qiyaastii 65 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in baaris agu sameeynayo dhacdadaas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac la gaarsiiyey dad shacab ah.

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in dabagal, kadib uu maamulku qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, si loola xisaabtamo ciidamadii geystay falkaaso

Odayaasha dhaqanka ee tuulada Qudus ayaa horey warbaahinta ugu sheegay sheegay in ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ay tuuladaas gubeen, sidoo kale ay ka geysteen dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanti dadweyne.

“Waxaan ka cabaneynaa dhibkii nagu dhacay, dad iyo duunyo ayey tuuladaan ku laayeen ciidamada Jubbaland, naf iyo maal wax noo ceynta malaha, gaadiid, guryo iyo duunyo ayaa la gubay,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii warbaahinta la hadlay xilligaasi.,

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in  tuulada aysan horay u joogin wax ciidan ah, isla markaana ay soo weerareen ciidamada Jubbaland oo ka geystay gabood fallo aan loo meel deyin, sida ay sheegeen odayaashii hadlay.

Ciidamadaas waxay ka soo gudbeen dhowr deegaan oo aysan waxaba ka geysan, laakiin waxay weerareen tuulada Qudus oo cid hubeysan aysan joogin, dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti ayey geysteen, waxaan ka canabeynaa ciidanka Jubbaland,” ayuu raaciyey.

Hadalka Sayid Aadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan adka deegaanka ay dalbanayaan inay cadaalad helaan, si loo maxkamadeeyo askartii ka dambeysay falkaasi.