28.9 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Jubaland oo dacwo ka dhan ah DF Somalia u gudbisay QM

Bookmark
Bookmarked

Share

Doolow (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Dowladda Federaalka oo ay isku hayaan arrimaha maamulka iyo siyaasadda, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii labada dhinac.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo aaladda fogaan-aragga kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa u gudbiyay ashtako ka dhan ah dowladda dhexe.

Sayid Aadan ayaa warbixin dheer ka siiyey mas’uuliyiinta xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dhibaatooyin uu sheegay inay ka dhasheen tallaabooyinkii ay qaaday Dowladda Federaalka, gaar ahaan xayiraadda garoomada diyaaradaha, joojinta mashaariicdii iyo adeegyadii bulshada ee ka socday gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa intaasi kusii daray in cawaaqib xumo ay ka imaan karto haddii aan si deg-deg ah looga hortagin ficillada Villa Soomaaliya ay ka waddo Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya ay meesha ka saartay dastuurkii heshiiskii lagu wada ahaa, ayna halis gelineyso wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Maxamuud Sayid Aadan ayaa xubnaha Qaramada Midoobay kala hadlay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jirta deegaanada Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, taas oo ka dhalatay qorshaha is diidan ee dowladda dhexe iyo maamulkaas, maadaama ay hakad galeen mashaariicdii laga fulin jiray halkaasi.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday arrimaha dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee muddo dheer ay dhibaato ka dhex jirtay degmada Luuq ee gobolka Gedo, si xal loogu helo.

Ugu dambeyn waxaa la isla gartay in dib-u-heshiisiinta la dardar-geliyo, iyadoo bishan gudaheeda gogol nabadeed oo gacan ay ka gaysan doonto QM la iskugu imaan doono.

Xeeladdii Xasan Sheekh ee Kismaayo

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News