27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Jubbaland oo qaaday talaabo dhowr sano qaadatay hirgalinteeda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in dhul baaxad leh lasiinaayo qaxootiga kasoo laabanaya xeryaha Dhadhaab iyo barakacayaash magaalada Kismaayo.

Maamulka ayaa sheegay in dhulka lasiin doono qaxootiga kasoo laabanaya xeryaha Dhadhaab uu ku yaalo duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Maamulka ayaa sheegay in dhulkaani ay dhagax dhigeen isla markaana uu gaar u noqon doono keliya qaxootiga kasoo laabanaaya Xerada dhadhaab iyo kuwa iminka ku sugan magaalada Kismaayo.

Maamulka ayaa xaqiijiyay in dhulkaasi lagu dhisi doono muddo gaaban isla markaana ay ku nafcin doonaan qaxootiga.

Dhulkaani oo baaxad leh ayaa waxaa laga dhisi doonaa 205 guri iyo 65 muqulood, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin maamulka ka tirsan.

Kaalinta ugu weyn ee dhismaha xerada ayaa waxaa qaadan doona Hay’ada UNHCR oo inta badan dhaqaalaha bixisay.

Sidoo kale, waxaa kaalin mug leh ka qaadan doona maamulka Jubbaland oo Hay’adda ka saacidi doonta dhinacyada amniga iyo la socodka xaalada qaxootiga.

Dhinaca kale, waxaa amniga xerada loo xilsaaray Taliska Booliska Jubbaland oo la socon doona xaalada qaxootiga la dajin doono xerada.

Maamulka Jubbaland ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeysay ka caga jiidayay soo dhaweynta qaxootiga, waxaase hadda muuqaneysa in ugu danbeyntii ay garwaaqsatay inay hirgaliso.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News