26.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

JUBBALAND oo qaylo dhaan soo saartay kadib xaalad soo korortay

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maanta qaylo dhaan kasoo saartay xaalad culus oo kasoo korortay deegaannada maamulkaasi, taas oo ka dhalatay kuleel daran iyo xaalado abaareed oo ka jira gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Jubbaland oo maanta shir ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladaha adag iyo midda nololeed ee ka jira deegaannada maamulkaasi, waxayna warbixinno ka dhageysteen guddiyo farsamo oo xog uruurin kasoo sameeyay meelaha ay ka jiraan xaaladaha bani’aadannimo.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland oo hadal siiyay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda daran ee ay wajaheyso Jubbaland, wuxuuna sheegay in biyo la’aan ay ka jirto inta badan deegaannada maamulka, halkaas oo laga dareemayo kuleel daran oo saameeyay dadka iyo duunyada.

“Shirkeenna waxaa uga hadalnay xaaladda kuuleel iyo cabsi abaareed iy roob la’aan ka jirta deegaannada Jubbaand arrintaasi waxa ay abuurtay xaalad adag, taas oo maanta keentay in halkan la’isugu yimaado”. ayuu yiri wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaa jira biyo la’aan baahsan oo wayn, cunto la’aan iyo xoolihii oo saameyn badan ay ku yeelatay biyo la’aanta”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in xaaladdan adag ay kusii fideyso deegaannada Jubbaland oo dhan, sida degmooyinka Badhaadhe, Kismaayo, Ceelwaaq, Garbahaarey iyo deegaanno kale.

“Deegaanno fara badan oo Jubbaland kamid ah waxaa laga soo sheegayaa culeyskan iyo kuleelkan wuxuuna ifafaalaha abaarta uu ka jiraa dhammaan deegaannada Jubbaland, waxaase ugu daran degmooyinka Badhaadhe, xeebaha, Kismaayo koonfurteeda iyo waqooyigeeda, ” ayuu sii raaciyay.

“Sidaas oo kale degmada Ceelwaaq ayaa kamid ah meelaha culeyska aadka u wayn uu ka jiro, degmada Garbahaarey ayaa iyadana kamid ah iyo Xagar oo Jubbada Hoose ah ayaa kamid ah” ayuu mar kale yii wasiirku.

Ugu dambeyn, wuxuu baaq culus u diray hay’adaha samafalka iyo deeqbixiyeyaasha oo uu ka dalbaday inay gurmad bani’aadannimo lasoo gaaraan shacabka Jubbaland ee wajahaya xaaladda adag.

- Advertisement -

Read more

Local News