Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.
Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya ka dhageystay Guddoomiyaha, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa Guddoonka Baarlamaanka Waqooyi Bari kula dardaarmay in madaxda la doortay ee maamulku ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho, xasilloonida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Kulankaan ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha XFS, Maxamed Cabdullaahi Faarax iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Madaxda ka qeyb gashay kulankan ayaa mar kale bogaadiyey muhiimadda uu dhismaha maamulka Waqooyi Bari u leeyahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, maadaama uu yahay maamul ku yimid rabitaanka bulshada deegaanka.
Kulankan ayaa imanaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu maalmahan soo socda uu gaari doono magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari, halkaasi oo ay ka socoto qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha.
Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu la xiriiro ka qeyb-galka munaasabadda caleemo-saarka Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), oo bishii August loo doortay Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa waddooyinka waaweyn ee Laascaanood lagu arkayay sawirrada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo calanka qaranka oo laga taagay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa door weyn ku laheyd in magaalada Laascaanood laga dhiso maamul rasmi ah oo kamid ah maamul goboleedyada dalka.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa ka soo farcamay maamulka KMG ahaa ee SSC-Khaatumo oo la sameeyay bishii August 2023, iyada oo muddadii laba sano ahayd la qabtay wadatashiyo, shirar ballaaran iyo qorista dastuur ku-meel-gaar ah, taas oo ugu dambeyntii dhashay doorashadii Sabtidii ka dhacday Laascaanood.
Maamulkan ayaa waxaa haatan hoggaaminaya 5-ta sano ee soo socota Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari. Ninkan oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada ayaa si weyn ugu xiran dowladda dhexe.
Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka riixaysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku laheyd doorashada Waqooyi Bari.
Dowladda dhexe ayaa u aragta maamulkan mid wax badan ka tari qorshaheeda doorasho iyo iska caabbinta maamulka Puntland oo si weyn isku hayaan Muqdisho.