Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa waxaa laga helayaa kulan xasaasi ah oo maanta Muqdisho ku dhex-maray xubnaha Madasha Samatixiinta iyo qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka kuwooda ugu saameynta badan, wuxuuna ku soo aaday maalin kahor, iyada oo berri loo balansan yahay shirka Villa Somalia iyo mucaaradka.
Kulanka oo ka dhacay xerada Xalane ayaa waxa uu si gaar ah u dhex-maray xubnaha mucaaradka ee ku midoobay Madasha Samatixinta iyo safiirada beesha caalamka, gaar ahaana xubnaha loo yaqaano afarta awoodda leh + Turkey, kuwaas oo kala ah (USA, UK, EU, UN + Turkey), iyada oo shirka diiradda lagu saaray khilaafka u dhexeeya mucaaradka iyo dawladda, kaas oo ku aadan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee 2026.
Ilo wareedyo ku dhow kulanka ayaa innoo sheegay in goobta ay ka dhacday dood xooggan oo ay aragtidooda kusoo gudbiyeen xubnaha Madasha Samatabixinta, kuwaas oo mar kale maalinta berri ah la ballansan Xasan Sheekh, si ay usii amba qaadaan wada-hadalkooda.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha mucaaradka ay u sheegeen wakiilada ay la kulmeen ee Mareykanka, UK, UN-ka, Midowga Yurub iyo Turkey in marxaladda siyaasadeed ee dalka ay ku socoto meel halis ah, isla markaana dawladda dhexe ay ku howlan tahay siyaasad hal dhinac ah, taas oo ay tilmaameen inay qatar ku tahay midnimada waddanka.
Dhankooda, wakiilada fadhiyay madasha ayaa walaac xooggan ka muujiyay arrimaha amniga iyo siyaasadaha is diidan ee ka taagan gudaha dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada, iyaga oo soo jeediyay in haboon tahay wada-hadalladu ay noqdaan kuwa mira dhala oo heshiis buuxa lagu gaaro, si looga gudbo is mariwaaga taagan ee labada dhinac.
Kulanka ayaa sidoo kale noqday mid labada dhinac ay si daah-furan isku waydaarsadeen aragtiyaha kala duwan. Si kastaba ha ahaatee, doodda furan waxay tilmaamaysaa in beesha caalamka ay dooneyso in ay faham buuxa ka hesho muranka siyaasadeed ee taagan.
Wakiillada beesha caalamka ayaa weli muujinaya in mudnaanta ugu weyn ay siinayaan in la gaaro wada-tashi qaran oo lagu mideynayo awoodaha kala duwan ee siyaasadeed ee dalka, si loo helo iskaashi guud oo wax looga qabto caqabadaha, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay qorshaha Villa Somalia ee qof iyo codka ah, taas oo ay diidan yihiin maamullada Jubaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo Xasan Sheekh.