29.4 C
Mogadishu
Monday, January 5, 2026

Kadib afduubkii Maduro, Venezuela oo ku dhowaaqday go’aan uusan ku farxeyn Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Caracas (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Venezuela ayaa maanta ku dhawaaqay in xukuumadda dalkaas ay si buuxda u garab taagan tahay Madaxweyne Nicolas Maduro, kaas oo qabashadiisa uu Mareykanku fuliyay ay hubanti la’aan xooggan gelisay mustaqbalka dalkan Koonfurta Ameerika ee qaniga ku ah saliidda.

Maduro ayaa hadda ku jira xabsi ku yaalla magaalada New York, isagoo sugaya in maxkamad la soo taago maalinta Isniinta ah si uu u waajaho eedeymo la xiriira daroogo.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu amar ku bixiyay in xilka laga qaado, isla markaana sheegay in Mareykanku la wareegayo maamulka Venezuela. Hase yeeshee, magaalada Caracas, mas’uuliyiinta sare ee dowladda Maduro—kuwaas oo xarigga madaxweynaha iyo xaaskiisa Cilia Flores ku tilmaamay “afduub”—ayaa wali gacanta ku haya talada dalka.

“Halkan, midnimada cududda kacaanku waa mid dammaanad qaadkeedu sugan yahay, halkanna waxaa ka jira kaliya hal madaxweyne, magiciisuna waa Nicolas Maduro Moros. Yuusan qofna ku dhicin dabinta iyo daandaansiga cadowga,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Diosdado Cabello oo ka hadlayay cod maqal ah oo uu baahiyay xisbiga hantiwadaagga ah ee talada haya (PSUV) Axadda, isagoo shacabka ugu baaqay deganaan.

Sawirrada Maduro, oo 63 jir ah, oo indhaha ka xiran, gacmahana ka katiinadeysan maalintii Sabtida, ayaa fajac ku noqday shacabka Venezuela. Tallaabadan ayaa ah faragelintii ugu muranka badneyd ee Washington ay ka sameyso Laatiin Ameerika tan iyo duullaankii Panama ee 37 sano ka hor.

Madaxweyne ku-xigeenka Delcy Rodriguez—oo sidoo kale ah Wasiirka Shidaalka—ayaa la wareegtay hoggaanka ku-meel-gaarka ah iyadoo haysata ducada iyo oggolaanshaha maxkamadda sare ee Venezuela, in kastoo ay sheegtay in Maduro uu weli yahay madaxweynaha sharciga ah. 

Sababo la xiriira xiriirka ay la leedahay ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo aqoonteeda qotoda dheer ee dhanka saliidda—oo ah isha ugu weyn ee dakhliga dalka—Rodriguez ayaa muddo dheer loo arkayay xubinta ugu macquulsan ee dadka ku dhow Maduro. Si kastaba ha ahaatee, waxay si cad uga hortimid hadalka Trump ee ahaa inay diyaar u tahay inay la shaqeyso Mareykanka.

Dagaalka kheyraadka saliidda

Dowladda Venezuela ayaa muddo bilo ah sheegeysay in ololaha cadaadiska ee Trump uu yahay mid lagu doonayo in lagu boobo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan saliidda. Mas’uuliyiinta ayaa si weyn u cuskaday hadalladii Trump ee Sabtidii, markii uu sheegay in shirkadaha waaweyn ee shidaalka Mareykanka ay soo gali doonaan dalka.

“Waan ka xunnahay, waana ka gubaneynaa sababtoo ah ugu dambeyntii wax walba way fashilmeen—waxaa caddaatay inay kaliya doonayaan shidaalkeenna,” ayuu raaciyay Cabello, oo xiriir dhow la leh milatariga.

Shirkadda shidaalka ee dowladda maamusho (PDVSA) ayaa weydiistay qaar ka mid ah shirkadaha ay wada-shaqeynta leeyihiin inay dhimaan soo-saarka saliidda cayriin iyagoo xiraya ceelasha qaarkood, sababo la xiriira dhoofinta oo curyaantay, sida ay wakaaladda Reuters u sheegeen saddex ilo-wareed oo xog-ogaal u ah go’aankan. 

Dhoofinta saliidda ee dalkan xubinta ka ah OPEC ayaa weli taagan tan iyo markii Mareykanku bishii hore ku dhawaaqay go’doomin lagu soo rogay maraakiibta shidaalka ee cunaqabataysan ee soo galaya ama ka baxaya biyaha Venezuela, iyo la wareegidda labo shixnadood oo shidaal ah.

Venezuela, oo beri ahaan jirtay mid ka mid ah dalalka ugu barwaaqada badan Laatiin Ameerika, ayaa dhaqaalaheedu sii liicay intii uu xukunka hayay Maduro, taas oo sababtay in qiyaastii shantiiba hal qof oo u dhashay Venezuela uu dalka isaga baxo, waana mid ka mid ah barakaca ugu weyn adduunka.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News