26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Kadib dagaalkii Israel, IRAN oo billowday dagaal cusub oo ka dhan ah cadow kale

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Isla markii ay istaageen duqeymihii bambooyinka ee Mareykanka iyo Israel ay ku wadeen Iran, waxaa goobihii ay ku dhuumanayeen kasoo baxay hoggaamiyeyaasha diimeed ee dalka iyo ciidammada ammaanka, waxayna bilaabeen olole cusub—oo markan ka dhan ah shacabkooda, iyagoo beegsanaya dadka looga shakisan yahay basaasnimada, kuwa mucaaradka ah, iyo shakhsiyaadka ka aragtida duwan dowladda.

Baro kontorool ayaa laga taagay guud ahaan magaalada Tehran, xilli ay mas’uuliyiintu doonayaan inay dib usoo celiyaan awooddooda iyo inay ugaarsadaan dadka ay ka shakisan yihiin inay Israel ka caawiyeen weerarradii lagu qaaday difaaca hawada, xarumaha nukliyeerka, iyo saraakiisha sarsare iyo saynisyahannada atoomikada, intii uu socday dagaal cirka ah oo qaatay 12 maalmood.

Iyadoo urta walxaha qarxa ee culus ay weli hawada caasimadda ku jirto, waxay booliska iyo sirdoonku xireen boqollaal qof, maalin kastana tiro intaas ka badan ayay xirayaan. Ciidamo boolis ah oo hubeysan ayaa roondo ka wada waddooyinka. Dadka waa la istaajinayaa, waxaana la baarayaa baabuurtooda, taleefannadooda iyo kombuyuutarradooda. Dowladda ayaa ku dhawaaqday in si degdeg ah loo toogtay ugu yaraan lix nin.

“Xaaladda shacabka Iran hadda way ka khatarsan tahay tii ka horreysay dagaalka,” ayay tiri Narges Mohammadi, oo ah u dhaqdhaqaaqe xuquuqda aadanaha oo ku guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel (Nobel Prize), kana mid ah shakhsiyaadka mucaaradka ah ee dalka ugu caansan. Waxay sheegtay in nidaamka talada haya uu samayn doono wax kasta oo ay ku xoojinayaan awooddooda, isla markaana uu wado caburin xooggan.

In ka badan 1,000 qof ayaa la xiray labadii toddobaad ee lasoo dhaafay, iyagoo lagu eedeeyay inay gacan siiyeen Israel, sida ay sheegtay hay’adda Amnesty International.

Sabtidii, saraakiil sarsare ayaa ka qaybgalay aasyo qaran oo loo sameeyay dadkii ku dhintay dagaalka, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal sare oo militari iyo saynisyahanno nukliyeer ah, sida ay warbaahinta dowladda sheegtay, tallaabadaas oo u muuqatay mid awood muujin ah. Dadka fagaaraha lagu arkay waxaa ka mid ahaa Madaxweyne Masoud Pezeshkian, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Abbas Araghchi, iyo Esmail Qaani, oo ah hoggaamiyaha ciidanka gaarka ah ee Quds (Quds Force) ee hoostaga Ilaalada Kacaanka Islaamiga (Islamic Revolutionary Guard Corps), kaasoo markii hore la sheegay inuu dhintay.

Kumanaan baroordiiqayaal ah ayaa isugu soo baxay Tehran iyagoo lulaya calamo iyo boorar ay ku taageerayaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah, waxaana isu soo baxyo kale oo ka yaryar ay ka dhaceen magaalooyin kale. Gaadiidka dadweynaha ee caasimadda ayaa ahaa lacag la’aan, halkaas oo xarumaha tareennada dhulka hoostiisa mara ay buux dhaafiyeen dad usii jeeday socodka baroordiiqa. Qaarkood waxay ku dhawaaqayeen “Isra’aail ka dhimato,” sida lagu muujiyay muuqaal ay baahisay warbaahinta dowladda ee IRIB.

Nidaamka Shiicada Islaamiga ah ayaa sidoo kale xoojiyay dadaallada lagu hirgelinayo sharciyo adag oo la xiriira waxa ay u arkaan dhaqan iyo labis aan habbooneyn.

“Booliska anshaxa ayaa soo laabtay,” ayay tiri haweeney 44 jir ah oo sheegtay inay Tehran ka qaxday intii uu dagaalku socday. “Boolisku xitaa wuu na istaajiyay wuuna na wareystay, sababtoo ah sokisyada haweeneydii ila socotay ayaa ahaa kuwo aad u khafiif ah.”

Duqeymaha cirka ee Israel iyo Mareykanka ayaa noqday markii ugu horreysay oo Iran dhulkeeda gudihiisa laga fuliyaa weerar shisheeye oo joogto ah tan iyo dagaalkii sideedda sano qaatay ee ay la gashay Ciraaq sannadihii 1980-meeyadii. Caasimadda Tehran ayaa noqotay goobta ugu weyn ee dagaalka.

Intii ay duqeymuhu socdeen, Hoggaamiyaha Sare Ali Khamenei wuxuu ku dhuumanayay dhismo dhulka hoostiisa ah oo ka baxsan Tehran, halkaas oo aysan gaari karin cid aan ahayn xulafadiisa ugu dhow, sida uu sheegay sarkaal Carbeed oo xogta laga siiyay iyo qof la-taliye u ah Ilaalada Kacaanka. Go’doonkiisa ayaa adkeeyay wadahadallo ka socday Geneva oo ay dhex-dhexaadinayeen dalal Yurub ah oo doonayay in lasoo afjaro dagaalka, sida ay sheegeen saraakiil Carbeed.

Khamiistii, ayuu la hadlay shacabka markii ugu horreysay tan iyo 19-kii Juun, isagoo isku dayayay inuu yareeyo khasaaraha ka dhashay weerarka isla markaana uu qaranka ku mideeyo calanka Iran.

“Jamhuuriyadda Islaamiga ah way guuleysatay, waxayna dharbaaxo kulul ku dhufatay wejiga Mareykanka,” ayuu yiri isagoo codkiisu daciif yahay.

Weerarradu waxay muujiyeen sida qotada dheer ee ay hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad u dhex gashay Iran. Waxay si qarsoodi ah Iran usoo geliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada xambaara iyo saanado kale, kuwaas oo ay adeegsadeen kooxo basaasiin ah si ay u burburiyaan difaaca hawada una dilaan shakhsiyaad caan ah.

“Reer Israel waxay soo abaabuleen gudagal, soo daabulid bambooyin iyo walxaha qarxa, waxayna dad ka qorteen gudaha dalka,” ayuu yiri Mohammad Amin-Nejad, danjiraha Iran ee Faransiiska, oo la hadlay warbaahinta France 24 toddobaadkii hore. Waxay ku dhacday “indhaheenna hortooda. Dayacnaan ayaa jirtay.”

Jawiga Tehran ayaa weli ah mid kacsan, xilli ay dadku bilaabeen inay ku laabtaan shaqooyinkooda oo ay isku dayayaan inay dib u bilaabaan nolol caadi ah, sida ay sheegeen dad deegaanka ah oo taleefanka lagala xiriiray.

Warbaahinta ay dowladda Iran maamusho ayaa maalin kasta ka warbixisa xarigyo cusub iyo hub la qabtay. Mas’uuliyiinta ayaa Talaadadii sheegay inay dacwado ka dhan ah 24 basaas oo looga shakisan yahay inay u shaqeeyaan Israel ka fureen magaalada Hamedan ee galbeedka Iran, halkaas oo saldhiggeeda cirka si weyn loogu waxyeelleeyay maalintii ugu horreysay ee duqeymaha. Eedeysanayaasha “waxay u dirayeen cadowga macluumaad, sawirro, iyo muuqaallo,” ayaa lagu yiri warbixin warbaahineed.

Adeegga internet-ka ayaa dib loo soo celiyay Arbacadii kadib markii uu go’naa in ka badan toddobaad. Laakiin digniin rasmi ah oo ah inaan la isticmaalin barnaamijyada farriimaha sida WhatsApp ayaa weli jirtay. Nidaamka talada haya wuxuu sheegay inuu ka cabsi qabo in basaasiinta Israel ay jabsan karaan wada-hadallada oo ay macluumaad ka helaan.

Arbacadii, wasaaradda sirdoonka Iran ayaa dadka deegaanka u sheegtay inay soo wargeliyaan wicitaan kasta oo shaki leh. Horay, waxay u soo saartay talooyin ku saabsan sida lagu garto basaas.

Talooyinka ayaa muwaadiniinta uga digay inay isha ku hayaan deriskooda dhaqdhaqaaqooda saacadaha aan caadiga ahayn; isticmaalka badan ee maaskarada, koofiyadaha iyo muraayadaha qorraxda; iyo astaamo sida garaacis bir ah oo guryahooda gudihiisa ka yeeraya. Basaasiinta, sida talooyinku sheegeen, waxay ku noolaan karaan guryo leh “daahyo xiran xitaa saacadaha maalintii.”

Caburinta gudaha ayaa sii kordhinaysa dareenka welwelka baahsan ee uu dagaalku sababay. Tobannaan weerar oo Israel ay fulisay ayaa lagu garaacay Tehran, iyadoo la beegsanayay xarumaha gantaallada iyo nukliyeerka, iyo sidoo kale astaamaha nidaamka iyo cadaadiska uu wado, oo uu ku jiro xabsiga caanka ah ee Evin, halkaas oo lagu hayo maxaabiista siyaasadeed.

Xaafadaha ladan ee woqooyiga Tehran, oo ay deggen yihiin qaar badan oo kamid ah saynisyahannada nukliyeerka iyo taliyeyaasha sarsare ee la beegsaday, ayaa ka mid ahaa meelihii ugu darnaa ee uu saameeyay ololaha cirka, taasoo gilgishay dadka magaalada ugu sarreeya. Tehran waxay la kulantay qaar ka mid ah duqeymihii ugu xoogganaa dagaalka saacado un ka hor inta aysan dhaqan gelin xabbad-joojinta.

Dadka deegaanka ayaa habeenno badan soo jeeday, mararka qaarkoodna waxay dagaalka ka daawanayeen balakoonnadooda iyo saqafyada guryahooda, iyadoo gantaalladu ay cirka ka ifayeen, waxaana xigay qaraxyo iyo dab.

Wasaaradda caafimaadka Iran ayaa sheegtay in in ka badan 600 oo qof ay ku dhinteen in ka badan 4,800 oo kalena ay ku dhaawacmeen intii uu dagaalku socday, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, oo aan sheegin tirada ciidammada qalabka sida ka tirsan.

In kasta oo Iran ay muujisay madax-adayg, haddana waxay qaadday tallaabooyin taxaddar ah iyadoo qaar ka mid ah hantideeda ugu qaalisan u rartay dibadda. Ka dib markii Israel ay bilowday inay beegsato kaabayaasha tamarta qaarkood, Iran waxay bilowday inay u rarto xaddi badan oo saliid cayriin ah oo kaydsanayd dhanka Aasiya, sida uu sheegay Homayoun Falakshahi, oo ah madaxa falanqaynta saliidda cayriin ee shirkadda Kpler.

22-kii Juun, tirada saliidda cayriin ee ku kaydsanayd jasiiradda Kharg—oo ah barta ugu weyn ee dhoofinta saliidda Iran—way yaraatay, halka mugga saliidda Iran ee ku kaydsan meel u dhow Singapore iyo Shiinaha uu kordhay, ayuu yiri. Qiyaastii shan milyan oo foosto oo loo malaynayo in dibadda loo raray ayaa qiimahoodu ahaa ilaa $375 milyan marka loo eego qiimaha saliidda ee xilligaas.

Toddobaadkii hore, Iran waxay ugu yaraan afar diyaaradood oo rayid ah u duulisay magaalada Muscat ee caasimadda Cumaan si loogu ilaaliyo. Mid ka mid ah diyaaradahaas waxaa ku jirtay diyaaradda madaxtooyada Iran ee nooceedu yahay Airbus A340, taasoo Muscat caga-dhigatay 18-kii Juun, sida ay muujiyeen aaladaha dabagala duulimaadyada.

Saraakiisha Carabta ayaa la yaabay markii ay ogaadeen in diyaaraduhu aysan wax rakaab ah sidin. Taas beddelkeeda, waxay sheegeen, inay sideen lacag caddaan ah iyo hanti, kuwaas oo aan loo oggolaan reer Iran inay dejiyaan cunaqabatayn awgeed. Diyaaradaha laftooda ayaa sidoo kale ahaa kuwo qiimo leh oo u ahaa baxsasho degdeg ah saraakiisha sarsare.

Taxaddarradani waxay muujinayaan heerka cadaadiska saarnaa hoggaamiyeyaasha Iran intii uu dagaalku socday. Hadda waa inay helaan waddo ay hore ugu socdaan iyagoon haysan awood ay ku maamulaan hawadooda iyo gacan ka helin maleeshiyadooda.

Cunaqabatayn culus oo curyaaminaysa ayaa dib-u-dhiska ka dhigi doonta mid kasii adag.

“Tani waxay ahayd mid ka mid ah jabkii amni ee ugu halisanaa taariikhda nidaamka, laakiin ma ahayn isbeddel weyn. Hoggaanku wuu is hayay, waddooyinku way xasilloonaayeen, nidaamkuna wuxuu mar kale caddeeyay inaan loo dhisin caannimo, balse loo dhisay badbaado,” ayay tiri Narges Bajoghli, oo ah professor ku-xigeen ka tirsan Johns Hopkins School of Advanced International Studies.

“Nidaamka Iran waxaa loo dhisay inuu u adkaysto dhibaatooyinka,” ayay tiri Bajoghli. “Nidaamku ma uusan dumin. Wuu la qabsanayaa, waxaana soo baxaya saraakiil da’yar oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka iyo kuwa booliska gaarka ah—kuwaas oo intooda badan ay ka aragti adag yihiin kuwii la dilay.”

- Advertisement -

Read more

Local News