Muqdisho (Caasimada Online) โ Maamulka Jubaland ayaa si adag uga hadlay wixii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoo falalka ka dhanka ah shacabka ku tilmaamay kuwo halis ku ah karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta.
Maamulka ayaa cambaareeyay barakicinta iyo tacadiyo uu sheegay in loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed oo si xoog ah dhulkooda looga barakicinayo gudaha magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, hoggaanka Jubaland ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay iska hor imaadkii shalay magaalada Muqdisho ku dhexmaray dowladda iyo mucaaradka, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah lagula xisaabtamo cid kasta oo bixisay amarka lagu rasaaseeyey hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
“Dowladda Jubaland waxay caddeyneysaa in layskula xisaabtami doono masuuliyadda cid kasta oo ku kacda dhibaateynta, cabburinta, iyo xaqiraadda shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubaland.
Sidoo kale waxay ku boorisay saraakiisha iyo askarta booliska gobolka Banaadir in ay si buuxda u gutaan mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta sharafta, karaamada iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaareyneysaa barakicinta iyo tacadiyada loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed ee si xoog ah dhulkooda looga barakicinayo gudaha magaalada Muqdisho.
Maanta waxaa dhacay dhacdo naxdin leh oo Aabbe iyo Hooyo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan lagu jiiriday, dhulkoodana si xoog ah looga qaaday.
Waxaa intaa dheer, fal muujinaya masuuliyad-darro iyo xadgudub weyn ayaa dhacay, kadib markii ay ka badbaadeen isku day dil masuuliyiin ka tirsan Madasha Samatabixinta oo goobta u joogay sidii ay u damin lahaayeen xaaladda, sidoo kale taageero u fidinayey dhibbanayaasha u baahnaa gargaar caafimaad oo degdeg ah inay helaan, kuwaas oo weliba lagu hayay saldhigga degmada Warshigleey ee magaalada Muqdisho.
Tani waa dhacdo halis ah oo aan la aqbali karin, isla markaana u baahan in si degdeg ah lagula xisaabtamo cid kasta oo bixisay amarka lagu rasaaseeyey masuuliyiinta Madasha Samatabixinta.
Dowladda Jubaland waxay ku boorrinaysaa dhammaan saraakiisha iyo askarta booliska gobolka Banaadir inay si buuxda u gutaan masuuliyadda ka saaran ilaalinta sharafta, karaamada, iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.
Dhul-boobka loo adeegsanayo xoogga ciidamada waa fal laga xumaado oo si cad uga hor imaanaya waajibaadka iyo anshaxa ciidanka.
Dowladda Jubaland waxay caddeyneysaa in layskula xisaabtami doono masuuliyadda cid kasta oo ku kacda dhibaateynta, cabburinta, iyo xaqiraadda shacabka Soomaaliyeed.