New York (Caasimada Online) – Ku dhowaad laba sano kaddib markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Israel iyo Xamaas, waddamo is xigxigay ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowlad Falastiini ahโwaana dood la filayo inay toddobaadkan si weyn u qabsato fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Xilli ay Isniintii magaalada New York isugu yimaadeen wufuud ka socota in ka badan 190 dal, waxaa iska hor imaan doona Madaxweyne Trump iyo Raโiisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, oo labaduba kasoo horjeeda aqoonsiga dowladnimada Falastiin, iyo inta badan caalamka intiisa kale.
Dalka Faransiiska ayaa Isniintii si rasmi ah u aqoonsaday dowladnimada Falastiin, taasoo ah tallaabo uu Madaxweyne Emmanuel Macron ku tilmaamay inay lagama maarmaan u tahay sidii loo heli lahaa nabad waarta. Waxaa sidoo kale la filayaa in dalal kale ay raacaan.
Maalintii Axadda, wadamada Britain, Canada, Australia iyo Portugal waxay ku biireen in ka badan 145-ka dal ee horey u aqoonsanaa Falastiin.
Raโiisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa ku tilmaamay Xamaas “urur argagixiso oo naxariis daran” oo aan wax door ah ku yeelan karin maamulka Marinka Gaza. “Baaqa xal laba-dowladood oo dhab ah wuxuu si toos ah uga hor imanayaa aragtidooda nacaybka xambaarsan.”
“Aqoonsiga Dowladnimada Falastiin, oo ay hoggaaminayso Maamulka Falastiiniyiinta (Kooxda Fatax), wuxuu awood siinayaa kuwa raadinaya nabad ku wada noolaansho iyo soo afjaridda Xamaas,” sidaas waxaa bayaan uu soo saaray Axaddii ku sheegay Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney.
Wuxuu intaas ku daray in tallaabadani aysan “sinaba” sharciyad u siinayn ama abaalmarin ugu ahayn argagixisada.
Inta badan dalalka aqoonsaday dowladnimada Falastiin waxay sidaas sameeyeen sannadkii 1988-kii, markii uu Ururka Xoreynta Falastiin (Fatax) ku dhawaaqay dowlad madax bannaan.
Bishii Maajo 2024, dalalka Spain, Ireland iyo Norway ayaa aqoonsaday Falastiin, waxaana dabadood raacay Slovenia iyo Armenia isla sannadkaas gudihiisa. Dhowr waddan oo ka tirsan gobolka Caribbean-ka ayaa sidoo kale tallaabo tan la mid ah qaaday.
Bishii Luuliyo, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka, Marco Rubio, wuxuu si kulul u dhaleeceeyay qorshaha Macron ee ah inuu aqoonsado dowladnimada Falastiin, isagoo ku tilmaamay mid “taxaddar laโaan ah.”
Xildhibaanno badan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa si la mid ah tallaabadan ugu qeexay abaalmarin la siinayo Xamaasโbalse hoggaamiyeyaasha taageersan aqoonsiga ayaa ku tilmaamay mid lagama maarmaan u ah xalka labada dowladood, isla markaana si toos ah uga hor imaanaysa aragtida Xamaas.
Dalalka, Andorra, Belgium, Luxembourg, Malta iyo San Marino ayaa la filayaa inay si degdeg ah ugu biiraan waddamada aqoonsanaya dowladnimada, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.