Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa wajaheysa dhalleeceyn xooggan oo gudaheeda ah kadib markii uu meel-mar noqday go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fiisaha uga dhigtay habka online ah (e-Visa).
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Kaah ayaa shalay shaaciyay in dhawaan garoonka Dubai ee Imaaraadka Carabta lagu weydiiyay e-Visaha Soomaaliya, si uu ugu socdaalo magaalada Hargeysa.
Inkastoo, Maxamuud Xaashi uu sheegay in uu dirqi uga bad-baaday in e-Visa ay bixiso Soomaaliya u jarto Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, haddana wuxuu arrintaan si weyn ugu dhaliilay xukuumadda Somaliland, oo ayadu ka badin wayday diidmo afka ah, iyo in lacag labaad oo dal-ku-gal ah dadka rakaabka looga qaato garoonka Hargeysa.
Faysal Cali Waraabe oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland oo isna arrintaan ka hadlay ayaa qiray in Soomaaliya uga adkaatay dhanka maamulka hawada, isagoo su’aal geliyay sii jiritaanka Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland, oo uu sheegay inay wax saameyn ah ku laheyn arrimaha socda.
“Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Duulista Hawada intii ay joogeen Imaaraadka haddii ay joojin kari waayeen xad-gudubka fiisaha Soomaaliya ee aan ina qaban, iima muuqato sabab Somaliland u sii lahaato Wasaaradda Duulista Hawada,” ayuu Siyaasi Faysal ku yiri qoraal uu soo saaray.
Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hirgalay ayay siyaasiyiinta mucaaradka ee Somaliland u arkaan mid dhaawac ku ah madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, iyagoo hoggaanka maamulka usoo jeediyay in ay si dhab ah u wajahaan arrintaan.
Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:
Iima muuqato sabab Somaliland u sii lahaato Wasaaradda Duulista Hawada mar haddii si toos ah la inoo hoos geeyey maamulka fashilmay ee Wardhiiglay – Xamar.
Halka ay iska taageen shirkadaha diyaaradaha Ethiopian Airline iyo FlyDubai qorshaha e-Visa Soomaaliya ee lagu soo rogay shacbiga Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa aynu si cad uga fahmi karnaa halka uu marayo xidhiidhkii Somaliland iyo labadii dal ee adduunka inoogu dhowaa.
Dhinaca kale, marka horeba ma ay habboonayn in Somaliland loo sameeyo Wasaaradda Duulista Hawada, waayo dowladaha caalamka oo dhan waxay leeyihiin Hay’adda Duulista Rayidka (Civil Aviation Authority).
Xilligii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo AUN, waxay dawladda Ingiriisku innagu caawisay khabiir caalami ah oo JSL ka taageera sharciga Duulista Rayidka (Civil Aviation). Laakiin nasiib-darro markii muddo hal sanno ah xukuumaddu sharciga horgeyn wayday Golaha Wakiillada ayey dowladda UK dib uga noqotay qorshihii khabiirka.
Sidaa darteed, mar haddii dhammaan hawada JSL ay si buuxda ula wareegtay Soomaaliya waqtigii Maxamuud Xaashi Wasiirka Duulista ahaa, haatanna maamulka Muqdisho inagu soo rogay e-Visa, oo Madaxweyne Cirro iyo Wasiir Fu’aad ay intii ay joogeen Imaaraadka joojin kari waayeen xad-gudubka fiisaha Soomaaliya ee aan ina qaban iima muuqato sabab Somaliland u sii lahaato Wasaaradda Duulista Hawada.
Ilaahay ha badbaadiyo JSL.
W/Q: Faysal Cali Waraabe