27.9 C
Mogadishu
Friday, October 10, 2025

Kadib heshiiska GAZA, Trump oo shaaciyay safar uu ku tagayo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo maanta khudbad ka jeediyay shirka golaha wasiirrada ee Aqalka Cad ayaa sheegay in xaaladda Bariga Dhexe ay gashay marxalad cusub oo rajo leh.

Trump ayaa ku tilmaamay waxa dhacay “horumar taariikhi ah,” isagoo sheegay in dagaalkii Gaza la soo afjaray. “Waxaan dhisnay saldhig adag oo nabadeed, waxaana rajaynayaa in nabaddu ay noqoto mid waarta,” ayuu yiri madaxweynaha.

Trump oo sii hadlaya ayaa sheegay in la haystayaasha harsan la filayo in la sii daayo Isniinta ama Talaadada, balse uu qiray in geeddi-socodkaas uu yahay mid adag. “Waxay ku sugan yihiin meelaha aan la rabin in la tago, balse dadaal weyn ayaa socda,” ayuu raaciyay.

Trump ayaa intaas ku daray in maalintaas ay noqon doonto “maalin farxad leh,” isagoo sheegay inuu qorsheynayo safar uu ku tago Bariga Dhexe.

“Waxaan aadeynaa Masar si aan u saxiixno heshiiska rasmiga ah ee nabadda,” ayuu yiri, isagoo xusay in heshiiska horey loo sii diyaariyay, balse hadda si rasmi ah loo dhameystirayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in uu doonayo in shirka golaha wasiirradu uu si degdeg ah u qabsoomo, maadaama uu qorsheynayo inuu safar ku baxo. “Hawlo badan ayaa ina sugaya, waana inaan dhaqso u dhaqaaqnaa,” ayuu ku daray.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Saar ayaa warbaahinta u sheegay in xabbad-joojin rasmi ah ay dhaqan galeyso marka golaha wasiirrada Israa’iil ansixiyo heshiiska caawa fiidkii. “Haddii Xamaas ay sii deyso la haystayaasha haray 72 saacadood gudahood, dagaalku wuu soo afjarmi doonaa,” ayuu yiri Saar.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in shirka golaha wasiirrada ee lagu ansixinayo heshiiska xabbad-joojinta dib loo dhigay ilaa 8:00 fiidnimo waqtiga maxalliga ah, iyadoo la filayo in kulamo horudhac ah ay bilaabmaan 5:00 fiidnimo, inkasta oo jadwalku mar kale dib u dhacay.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka ee Israa’iil ayaa lagu wadaa in ay kulmaan ayadoo uu xigo kulan buuxa oo ay dowladdu yeelato si loo oggolaado sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta, looguna beddelo la haystayaasha. Xamaas ayaa xaqiijisay inay sugayso ansixinta kama dambaysta ah ee liiska maxaabiista.

Waa xabbad joojintii saddexaad oo la gaaro tan iyo markii uu billowday dagaalka dhiigga badani ku daatay labo sano ka hor, waxaana rajo ka muujinaya labada dhinac inay si buuxda u soo afjaraan dagaalka. Ma cadda haddii wax dammaanad qaad caalami ah oo la siiyay si loo xaqiijiyo taas.

Ku-dhawaaqista Trump ayaa timid wax yar ka hor 7-dii fiidnimo ee xilliga bariga Mareykanka — taasoo ku beegnayd ku dhawaad 2-dii aroornimo ee Khamiista ee waqtiga Falastiin.

Dalka Qatar oo ka mid ah dalalka gacan ka gaystay wada-hadallada, iyo ururka Xamaas ayaa war-saxaafadeedyo ay soo saareen ku tilmaamay in heshiiska uu oggolaanayo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo Gaza, taas oo iyana ah guul kale oo wayn.

“Kani waa maalin weyn oo u soo hoyatay Dunida Carabta iyo Muslimka, Israel, dhammaan dalalka deriska ah, iyo Mareykanka, waxaana u mahadcelineynaa dhex-dhexaadiyeyaasha ka socday Qatar, Masar, iyo Turkiga, oo nagala shaqeeyay sidii ay u hirgeli lahayd dhacdadatan taariikhiga ah ee aan hore loo arag,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

Si kastaba, Dabayaaqadii bishii September, Mr. Trump wuxuu shaaca ka qaaday qorshe ballaaran oo ka kooban 20 qodob oo lagu soo afjarayo dagaalka laguna sii deynayo la-haystayaasha harsan.

- Advertisement -

Read more

Local News