26.3 C
Mogadishu
Thursday, November 27, 2025

Kadib mowqifkii DF, Morocco oo Soomaaliya ugu abaalgudday…

Bookmark
Bookmarked

Share

Rabat (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Morooko ayaa magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Mudane Casiis Akhannuuj.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo dhaqaalaha ee labada dal, iyadoo Xamza uu dhiggiisa Boqortooyada Morooko la wadaagay horumarrada ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo diblomaasiyadda.

Sidoo kale wuxuu warbixin ka siiyay guulaha Soomaaliya ka gaartay hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalka laga hirgelinayo.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Morooko, Mudane Casiis Akhannuuj ayaa Soomaaliya uga mahad-celiyay taageerada qaraarkii Golaha Ammaanka 2797, kaas oo aqoonsaday in Saxaraha Galbeed uu qayb ka yahay dhulka Morocco.

Sidoo kale wuxuu muujiyay sida ay Morocco uga go’an tahay taageerada madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Akhannuuj ayaa sidoo kale wuxuu si faah-faahsan u sharaxay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, diblomaasiyadda iyo horumarinta xiriirka guud ee labada waddan.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa 31-kii Oktoobar ka mid noqotay 11 dal ee u codeeyay qaraarkii Golaha Ammaanka 2797, kaas oo aqoonsaday in Saxaraha Galbeed uu qayb ka yahay dhulka Morocco.

- Advertisement -

Read more

Local News