25.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Kadib shirka Kismaayo, FAHAD oo farriin cajiib ah u diray R/W XAMZA

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin oo qoraal kasoo saaray shirweynaha mucaaradka ee maanta ka furmay magaalada Kismaayo ayaa baaq u direy Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Fahad ayaa marka hore xusay in shirweynaha Kismaayo uu ugu faraxsan yahay si uusan hore ugu farxi jirin shirkii 2019-kii. “Shirarkii Kismaayo ka dhici jiray 2019-kii, waxaan is arki jiray anigoo ka xanaaqsan. Shirka maanta ka furmay waxaan is arkay anigoo ku faraxsan,” ayuu yiri.

Agaasimihii hore ee NISA ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay mid aan laheyn farsamo uu ku dagaallamo iyo xirfad uu isku dhiibo, sidaas darteedna ay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre la gudboon tahay inuu qaato go’aan geesinimo leh.

“Madaxweyne Xasan, farsamo uu ku dagaallamo iyo xirfad uu isku dhiibo midna karti uma lahan. Raysal Wasaare Xamse waxaan ku oran lahaa, baadida hadday lunto ninka dhalay iyo nin ka dheer midna looma dirsado,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Waxa uu intaas kusii daray “Jubaland Xasan waa ka dheer yahay, Axmedna wuu dhalay. Adigaa adeer u ah ee fadlan usha dhexda ka qabo.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

CAKU IYO SIYAASAD!

Shirarkii Kismaayo ka dhici jiray 2019-kii, waxaan is arki jiray anigoo ka xanaaqsan. Shirka maanta ka furmay waxaan is arkay anigoo ku faraxsan.

Madaxwayne Xasan Sheekh, bil ka hor markuu Kismaayo u safrayay intuusan Xamar ka dhoofin waxaa laga codsanayay inuu Axmed Madoobe aqoonsado.

Wuxuu Xamar ku soo laabtay Jubaland oo aqoonsigii kala laabatay Madaxwayne Xasan oo ugu yeereysa walaalkeen Xasan Sheekh. Jidka jikaarka annagaa horay u soo tijaabinay, markuu naga soo xirmayna si xirfad leh uga leexannay.

Madaxweyne Xasan, farsamo uu ku dagaallamo iyo xirfad uu isku dhiibo midna karti uma lahan. Raysal Wasaare Xamse waxaan ku oran lahaa, baadida hadday lunto ninka dhalay iyo nin ka dheer midna looma dirsado. Jubaland Xasan waa ka dheer yahay, Axmedna wuu dhalay. Adigaa adeer u ah ee fadlan usha dhexda ka qabo.

- Advertisement -

Read more

Local News