24.6 C
Mogadishu
Monday, January 5, 2026

Kadib soo afduubkii Maduro, Trump oo shaaciyey saddex madaxweyne oo ku xigi kara

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Saacado uun kadib markii Mareykanku duullaan ku qaaday Venezuela si uu u soo qabto Madaxweyne Nicolás Maduro, Madaxweyne Trump ayaa digniin culus u diray dowladaha Mexico, Cuba, iyo Colombia, isagoo u sheegay in dalalkoodu ay noqon karaan kuwa xiga.

Weerarkan layaabka leh ee lagu qaaday Caracas ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Trump uu soo nooleeyay aragtidiisa gaarka ah ee ku aaddan siyaasadda gobolka, waxaana hadallada madaxweynaha ee ah in Mareykanku aanu ka cabsaneyn inuu “ciidamo dhulka soo dhoobo” dalkaas ay muujinayaan in maamulkiisu aanu ka waaban doonin inuu joogitaan waara ku yeesho gobolka.

“Waxaan filayaa in Cuba ay noqon doonto mawduuc aan ka wada hadli doonno, sababtoo ah Cuba waa dal fashilmay xilligan,” ayuu yiri Trump mar la weydiiyay sida dalkaas ku yaalla Kariibiyaanka uu u fasiran karo hawlgalka Venezuela.

“Waxaan dooneynaa inaan caawinno dadka. Waa arrin la mid ah oo aan rabno inaan caawinno dadka Cuba, balse waxaan sidoo kale dooneynaa inaan caawinno dadkii Cuba laga soo barakiciyay ee hadda ku nool dalkan [Mareykanka].”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, oo waalidkiis ay kasoo carareen Cuba, ayaa raaciyay haddii uu “ku noolaan lahaa Havana” ama uu “ka tirsanaan lahaa dowladda,” inuu “ugu yaraan walwali lahaa.” Safaaradda Cuba si degdeg ah uma aysan ka jawaabin codsi faallo oo loo diray. 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sii xoojiyay dhaliishiisa ku aaddan Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro, isagoo horay u sheegay in dalkaas Laatiin Ameerika ku yaalla ay ku yaallaan ugu yaraan saddex warshadood oo waaweyn oo kookeynta (cocaine) lagu sameeyo.

“Kookeyn ayuu sameynayaa. Mareykanka ayay u soo dhoofinayaan. Sidaas darteed waa inuu is ilaaliyo,” ayuu yiri Trump Sabtidii, isagoo ku celinaya hadallo uu bishii hore jeediyay.

Petro waa xulufada Maduro, wuxuuna dhawaan ku eedeeyay Trump inuu jebiyay “mabaadi’da aasaasiga ah” ee Qaramada Midoobay, isagoo ku andacooday in ugu yaraan mid ka mid ah duqeymaha Trump ee xeebaha Venezuela lala beegsaday dad rayid ah.

Horraantii Sabtida, Trump ayaa u sheegay barnaamijka Fox & Friends in “wax laga qabto Mexico ay qasab tahay” markii la weydiiyay su’aal ku saabsan dariska koonfureed ee Mareykanka. 

Trump wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum in aysan maamulin dalkeeda, balse ay kooxaha daroogada (cartels) gacanta ku hayaan.

“Waan iska dhigi karnaa dad ilbax ah oo fiican, oo dhihi karnaa ‘Haa way maamushaa.’ Laakiin aad bay uga baqeysaa kooxaha daroogada,” ayuu yiri Trump. “Iyaga ayaa maamula Mexico. Dhowr jeer baan weydiiyay ma dooneysaa inaan kaa qabanno kooxaha daroogada? ‘May, may, may, Mudane Madaxweyne, fadlan.’ Marka waa inaan wax sameynaa.”

Colombia, Cuba, iyo Mexico ayaa ka mid ahaa dalalka cambaareeyay hawlgalka Mareykanka ee Venezuela, iyagoo sheegay in weerarku uu halis gelinayo xasilloonida gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mexico ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Laatiin Ameerika iyo Kariibiyaanku waa aag nabadeed… sidaas darteed tallaabo kasta oo milateri waxay si dhab ah u wiiqeysaa xasilloonida gobolka.”

Dhanka kale, Madaxweynaha Cuba Miguel Díaz-Canel ayaa isku soo bax dhacay Sabtidii ku tilmaamay weerarka mid “fulaynimo, dambiilenimo iyo khiyaano ah.”

Gudaha Mareykanka, Dimoqraadiyiin badan iyo qaar ka mid ah Jamhuuriga ayaa cambaareeyay hawlgalka oo la fuliyay iyadoon oggolaansho laga haysan Koongareeska.  

- Advertisement -

Read more

Local News