24.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

Kadib Soomaaliya, Masar iyo Sacuudiga oo isku dayaya in ay Imaaraadka ka soo xiraan…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Shixnadaha hubka ayaa weli ka qulqulaya bariga dalka Liibiya iyagoo ku sii jeeda ciidamada gurmadka degdegga ah ee Suudaan (RSF), in kasta oo ay jiraan dadaallo diblomaasiyadeed oo culus oo ay wadaan Masar iyo Sacuudiga, kuwaas oo ku aaddan in Jeneraalka reer Liibiya, Khaliifa Xaftar, lagu qasbo inuu xiriirka u jaro Imaaraadka Carabta, sidaas waxaa lagu sheegay warbixin ay daabacday Middle East Eye.

Is-mari-waagan diblomaasiyadeed ayaa ku soo aadaya xilli Imaaraadku uu wajahayo caqabado dhanka saadka ah oo ka haysta gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, oo xurgufta diblomaasiyadeed ay ciriiri gelisay sahaydii ka bixi jirtay Boosaaso — oo muddo dheer ahayd xudun muhiim u ah hubka sida qarsoodiga ah loo gudbiyo.

Ilo xog-ogaal u ah kulamadaas ayaa u sheegay Middle East Eye in saraakiil Masri ah ay magaalada Qaahira ugu yeereen Saddam Xaftar, oo ah wiilka uu dhalay ninka awoodda badan ee bariga Liibiya Khaliifa Xaftar, ahna taliye ku-xigeenka ciidamada isku magacaabay “Ciidamada Qalabka Sida ee Carabta Liibiya” (LAAF), si loo siiyo “canaan iyo digniin culus.”

Intii ay socotay booqashada, oo saraakiishu ay saxaafadda ugu soo bandhigeen inay tahay iskaashi milateri oo caadi ah, saraakiisha sirdoonka Masar ayaa Saddam hor dhigay sawirro dayax-gacmeed iyo caddeymo muujinaya shixnado hub ah oo Imaaraadku leeyahay, kuwaas oo laga soo daad-gureeyay Abu Dhabi lana geeyay saldhigyo uu Xaftar maamulo, ka hor inta aysan kooxaha wax tahriibiya u gudbin dhanka xuduudda si ay ugu gacan galiyaan kooxda RSF ee Suudaan.

“Farriintu waxay ahayd mid cad: sii wadidda taageerada RSF waxay Masar ku qasbi doontaa inay dib u eegto guud ahaan xiriirka ay la leedahay bariga Liibiya,” ayuu yiri sarkaal u dhashay Liibiya oo diiday in magiciisa la shaaciyo.

Xiritaanka albaabka Boosaaso

Culeyska saaran marinka Liibiya ayaa sii kordhay maadaama waddooyinkii kale ee saadka Imaaraadka ee Geeska Afrika ay wajahayaan carqalado.

Inta badan muddada uu socday dagaalka Suudaan, garoonka magaalada Boosaaso ee dowlad-goboleedka Puntland, Soomaaliya, waxa uu Imaaraadka u ahaa xudun muhiim ah oo dhanka saadka ah (logistics node).

Iyadoo la huwanayo magaca tababarrada la-dagaallanka burcad-badeedda iyo argagixisada, Imaaraadku wuxuu ballaariyay garoonka diyaaradaha iyo dekedda Boosaaso. Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay iyo falanqeeyayaasha sirdoonka furan ayaa goobahan ku tilmaamay inay yihiin meelo lagu diyaariyo agabka milateri ee ku sii jeeda kooxda RSF, oo ay ku jiraan ciidan calooshood u shaqeystayaal ah oo ka soo jeeda Colombia.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka ka dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi ayaa xumaaday, taas oo cakirisay howlgalladaas. Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay joojisay heshiisyadii iskaashiga milateri ee ay la lahayd Imaaraadka, iyadoo ku eedeysay dalkaas inuu ku xad-gudbay madax-bannaanideeda.

“Boosaaso waxay ahaan jirtay albaabka dambe ee la isku halleyn karo ee hubeynta RSF, iyadoo u oggolaan jirtay diyaaradaha inay ka soo duulaan Gacanka Cadmeed una gudbaan Suudaan ama dalka dariska la ah ee Chad,” ayuu yiri Yuusuf Xuseen, oo ah falanqeeye dhanka amniga ah oo ku sugan Muqdisho.

“Maadaama Muqdisho ay culeyska kordhisay isla markaana ay isbahaysi dhow la sameysatay Masar iyo Turkiga, marinkaas wuxuu noqday mid siyaasad ahaan qaali ku ah Imaaraadka, taas oo ku qasbeysa inay si aad ah ugu tiirsanaadaan marinka Liibiya.”

Maadaama marinkii Boosaaso uu xirmay, marinka sii mara dhulka uu Xaftar ka taliyo ee bariga Liibiya — gaar ahaan degmada Kufra — ayaa noqday mid lagama maarmaan u ah sii wadidda dagaalka RSF ay kula jirto Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF).

Taageero beddel ah

Qaahira, oo si adag u taageersan ciidamada milateriga Suudaan ee uu hoggaamiyo Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan, ayaa u aragta jiritaanka RSF ee xuduuddeeda koonfureed inay tahay khatar amni oo jiritaankeeda halis ku ah.

Saraakiisha Masar ayaa la sheegay inay Saddam Xaftar u soo bandhigeen caddeymo muujinaya in booyado ay shidaal ka soo daabuleen warshadda sifeynta ee Sarir (Libya) una gudbiyeen hoggaamiyaha RSF Maxamed Xamdaan Daqalo (Xametti), si loogu isticmaalo gaadiidka dagaalka ee Darfur.

Si loogu dhiirrigeliyo inay xiriirka u jaraan Imaaraadka, Riyadh iyo Qaahira ayaa la soo wariyay inay Xaftar u soo bandhigeen dalab beddel ah oo dhaqaale badan wata.

Sida ay sheegeen ilo milateri, xirmadan waxaa ka mid ah kaalmo maaliyadeed iyo qalab milateri oo lala xiriirinayo heshiis hub oo dhawaan dhex maray Sacuudiga iyo Pakistan, kaas oo qiimihiisu dhan yahay $4 bilyan.

Qorshuhu wuxuu yahay in hubkaas loo qeybiyo ciidamada Xaftar iyo milateriga Suudaan, taas oo si wax ku ool ah taliyaha Liibiya ugu soo biirineysa safka Sacuudiga iyo Masar.

Xiisadaha dagaalka dadban

Khilaafka ka taagan marinnada saadka ee Liibiya ayaa iftiiminaya kala-fogaansho sii weynaanaya oo u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka, laba dal oo xulafo ahaan jiray balse danahoodu ay hadda kala leexanayaan laga soo bilaabo Yemen ilaa Badda Cas.

Halka Riyadh ay dooneyso in Suudaan ay noqoto mid deggan oo uu hoggaamiyo Burhaan si loo sugo xeebaha Badda Cas, Imaaraadku wuxuu weli yahay taageeraha ugu weyn ee RSF.

Abu Dhabi waxay Xametti u aragtaa saaxiib muhiim ah oo ilaaliya danaheeda istiraatiijiyadeed ee dhulka beeraha iyo macdanta dahabka, iyo waliba fidinta saameynteeda guud ahaan gobolka Saaxil.

Saraakiisha Masar ayaa u digay Saddam Xaftar, iyagoo u sheegay in istiraatiijiyadda fog ee Imaaraadka ay tahay burburinta gobolka. Waxay la wadaageen xog sirdoon oo sheegeysa inuu jiro qorshe Imaaraad oo ah in Liibiya loo kala qeybiyo aagag iska soo horjeeda marka RSF ay gaarto hadafyadeeda Suudaan.

In kasta oo digniinaha iyo dalabaadka taageerada beddelka ah ay jiraan, haddana ilo-wareedyadu waxay tilmaamayaan in Saddam Xaftar uusan weli go’aan gaarin, isagoo ku dhex jira laba daran mid dooro: taageerada dhaqaale iyo midda milateri ee degdegga ah ee Imaaraadka iyo carada istiraatiijiyadeed ee dariskiisa Qaahira.

“La’aanta taageeradaas, RSF ma aysan gaarteen guulaha ay dhawaanahan gaartay,” ayuu yiri sarkaal milateri oo u dhashay Masar. “Laakiin Saddam hadda culeys weyn ayaa ka haysta labada dhinac.”

- Advertisement -

Read more

Local News