26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Kadib weerarkii xalay, Duqa Muqdisho oo guddoomiyey kulan xasaasi ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka amniga, oo ay goobjoog ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda, ku-xigeenka arrimaha bulshada, xoghayaha guud ee maamulka gobolka iyo guddoomiyeyaasha 20-ka degmo ee caasimadda.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar-gelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo degmooyinka gobolka, xoojinta wada-shaqeynta iyo isku xirnaanta maamullada degmooyinka.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray ka hortagga falalka amni-darrada dhaliya sida maandooriyaha iyo la-dagaallanka burcadda abaabulan ee weerada ku gambada, xilli uu xalay magaalada Muqdisho ka dhacay weerar ay fulisay kooxda Al-Shabaab.

Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoosta ka xarriiqay in ilaalinta nabadda iyo degganaanshaha ay aasaas u tahay horumarka guud ee dalka, isla markaana maamulkiisu uu diiradda saarayo gaaridda in bulshadu nabad ku leddo.

Shirka ayaa soo saaray in la sii joogteeyo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo nabad-gelyada iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo daafaheeda, si’ aan loo wiiqin kobaca iyo horumarka magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay xalay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen kontoroolka Buurta Cali Janaale, oo ka mid ah meelaha muhiimka ah ee laga ilaaliyo amniga caasimadda.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa markii hore adeegsatay baasuukeyaal, waxaana xigay iska horimaad fool ka fool ah oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, kaas oo socday ku dhowaad 30 daqiiqo.

Fariisinka ciidan ee weerarka lagu qaaday waxaa degenaa ciidanka booliska ee gaarka u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo si wadajir ah ula shaqeeya ciidanka Polizia Militare ee sugaya amniga magaalada.

Si kastaba, amniga caasimadda oo sanadihii dambe si weyn usoo hagaagayay ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro iyo falal lidi ku ah amniga oo ay fuliyaan dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News