Shirweynihii Xisbiga SSUP oo si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagu taageerayay xisbiga wadaniga ah ee ssup ayaa maalinkii shalay taariikhdu ahayd 12.03.2015 lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasibadan oo ahayd kalafadhigii caadiga ahaa xisbiga kiisi 10-aad ee xisbiga iyo taageerayaashiisa ayaa waxa kasoo qaybgalay masuuliyiinta xisbiga ,madax ka tirsan dowlada, aqoonyahano, dhalinyaro, haween, waxgarad. iyo qaybaha kala duwan ee bulshada iyagoo qaarkood halkaasi ka jeediyay hadalo isugu jira talooyin iyo gubaabo ay xisbiga u jeedinayeen. Sidoo kale waxa barbar socday fanaaniin qudhooda qaab sugaaneed ku cabirayay hanaanka shaqo ee xisbiga iyo xaalada dalka.
Masuuliyiintii goobta ka hadlay waxa kamid ahaa xildhibaanad qaran maryan macalin isxaaq iyadoo ku amaantay hogaamiyaasha xisbiga siday ugu dhega nugulyihiin shacabka ayna u aragto in xisbigan uu yahay kan mudan hogaaminta dalka islamarkaana samata.bixin kara. Nabadoonada,aqoonyahanada iyo dhamaan siyaasiyiinti meesha ka hadlay ayaa isku raacay xisbiga ssup
Xubnihii ugu muhiimsanaa eshirka lagu casuumay ee kasoo qeyb galay waxay isugu jireen Wasiiro, Xildhibaano kuwaas oo ay ugu cad cadaayeen;
• Xildhibaan Mariam Macalin Isaaq
• Xildhibaan Raabaco Sheikh Nur
• Xildhibaan Adan Maxamed Caali
• Malaaq Cabdulaahi Macalin
• Ugaas Adan Diiriye
Wasiirka Dawlada Goblaedka Konfur Galbeed
inuu Ugu danbeyntii waxaa kalfadhiga soo xiray gudoomiyaha xisbiga SSUP kaas oo kula dardaarmay in xisbigan uu u furan yahay cid kasta oo rabta in la timaado isbadal dhab ah, wuxuuna si kooban uga sheekeyay taariikhda xisbiga mudadii la aas aasay April 11 2004 iyo wax yaabihii u qabsoomay inta uu dhisnaa.
Gudommiyuhu wuxuu intaa ku daray in kalfadhigan uusan aheyn mid ah in xisbigu cusub yahay ee uu yahay mid loogu gogol xaarayo xaflada shirweynaha congress xisbiga uu dhici doonta bisha May horaaanteeda.
Xisbiga Midnimada Bulshada somaliyeed (SSUP)ayaa la aasaasay sanadkii 2004, wuxuuna wax qabad weyn ka geystay horumarinta arrimaha bulshada dibad iyo gudaba taasoo uu diirada ku saarayay sidii Ummadda somaliyeed looga saari lahaa dowlad la’aanta loona heli lahaa dowladd ummada ku hagta hanaan dumuquraadiyadeed oo ay u dhan yihiin bulshada qaybaheeda kala duwan , waxaanay maanta fursad WEYN ay u noqotay in ayaa taageerayaasha xibiga SSUP isugu soo baxaan magaaladda muqdisho ee caasimada Somalia iydoo xisbiga SSUP uu diyaargarow weyn ugu jiro sidii uu ugu qayb qaadan lahaa tartanka doorashooyinka Qaran ee la filayo in uu ka qabsoomo Somalia 2016.
Xisbiga SSUP wuxuu shahaaado sharaf gudoon siiyaya kuwii iyagu kaalinta hore ka galay horumarinta bulshada taasoo uu Xisbiga Midnimadda Bulshada somaliyeed u garaty in ay u qalmaan dhiiri gelin ay muteysteen sidii ay dalkooda iyo dadkooda ugu qayb qadan lahaayeen horu marka ka socda iyadoo ay marwalba Xisbiga SSUP ku hawlan yahay sidii dalka loo gaarsiin lahaa in qof walba mustaqbalka dhow uu heli lahaa in uu codkiisa uu ku doorto siyaasiga /muwaadinta uu doorbidayo in dalka iyo dadkaba uu gaarsiin karo HORUMAR dhinac walba leh, sida AMNIGA OO LA ADKEEYO, HORUMARINTA DHAQAALE, IYO DOWLAD WANAAG.
Xafiiska Warbaahinta Xisbiga SSUP
www.ssup.se
[email protected]