Brussels (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in ninka lala xiray hoggaamiyihii hore ee burcad badeedda Soomaalida Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) in uu ahaa Maxamed Aadan Tiiceey.
Tiiceey waa qof noo cee ah?
Maxamed Aadan Tiiceey wuxuu soo noqday madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb, wuxuu dhowr jeer ku guuleestay in uu soo daayo dad ajaaniib ah oo ay afduubteen burcad-badeeda Soomaalida.
Dadka uu soo badbaadiyay waxaa ka mid ah gabar British oo laga soo afduubtay xeebaha Kenya ninkeediina lagu dilay intii uu socday afduubkaas David Tibet.
Sida ay lee yihiin dadka aan ka soo xiganay warkan, Tiiceey ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay shirqoolka loo dhigay Afwweyne oo Sabtidii ay booliiska Belgium ay ku xireen garoonka diyaaradaha magaalada Brussels.
Si kastaba, mar sii horeysay horey maanta ayaa dacwad oogaha dalka Belgium Johan Delmulle oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaano Afweyne loo heysto afduub uu u geystay markab waddankaas laga leeyahay iyo sagaal shaqaale ah oo la socday sannadkii 2009 iyo in uu sidoo kale ka qeyb ka ahaa urur dambiile ah.
Qaramada Midoobay ayaa Afweyne u aqoonsatay mid ka mid hoggaamiyayaasha ugu waa-weyn ee burcad badeeda Soomaalida, kaasoo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa afduub loo geystay markab laga lahaa dalka Sacuudiga oo laga qaatay madax furasho gaaraysa malaayiin doolar.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka London