Muqdisho (Caasimada Online) – Tirakoob qiyaas ah ayaa si qarsoodi ah waxaa ku wada UNFPA iyo Wasaaradaha Qorsheynta Dawladda Federaalka Somaliya, Puntland iyo Somaliland. Natiijada tiro koobkan ayaa noqon doonta in Gobolo tirada dadkooda la badin doono iyo kuwo la yareyn doono!!!
Hayadda UNFPA iyo Wasaaradaha Maaliyadda/ Qorsheynta ee dawlada Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland ayaa Tirakoob qiyaas ah si qarsoodi ah uga wada guud ahaan dalka Soomaaliya, oo haatan caalamku ula xiriiro sidii 3 dawladood sida aad ku aragtaan Link-gaan. Halkan dhag sii.
Tirakoobkaan qiyaasta lagu saleynayo ayaa hadii aan la sixin oo aan laga qeyb gelin aqoonyahanada iyo Maamulada Gobolada Soomaaliya dhamaantood waxa uu noqon doona mid caalamku ku saleeyo mashaariicda horumarinta iyo dib u dhiska dalka Soonaaliya.
Hay,adda UNFPA oo hogaan ka ah qorshahaan Tirakoob qiyaaseedka ah ayaa ku guul dareysatay in qorshahaani noqdo mid lagala tashado dhamaan madaxda 18-ka Gobol ee Soomaaliya, sidoo kale UNFPA iyo Wasaarada Maaliyadda iyo Qorsheynta Federaalka Soomaaliya waxaa ay si ku talagal ah uga qariyeen qorshahaan Tirakoob qiyaaseedka ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo dhamaan qabaailka Soomaaliya ee 5-ta ah ku mideysan yihiin iyo sidoo kale golaha wasiirada Fedeeraalka iyo Madaxda Maamulada Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya sida Banaadir, Bay, Bakool, Sh/hose, Sh/Dhexe, Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose.
Tirakoob qiyaaseedkaan ayey aheyd in bulshada la fahamsiiyo (Civic education), loo sameeyo Gudiga Qaranka ee Tirakoob qiyaaseedka Soomaaliya iyada oo loo marayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Tirakoob qiyaaseedkaani dhib kuma qabaan Maamulada Somaliland iyo Puntland maadaama Hay,adda UNFPA ee hogaaminaysa Tirakoob qiyaaseedka iyo deeq bixiyayaasha caalamku ay si toos ah ula wadaan mashruucaan wasaaradaha Qorsheynta Somaliland iyo Puntland, maadaama labadaan Maamul wasaaradahooda ay si dhab ah u metelaan shacabka ku nool goboladaas, Sidoo kale masuuliyiinta fulinaya qorshahaan Tirakoob qiyaaseedka ayaa sida la sheegay tashi buuxa kala leh Baarlamanada Puntland iyo Somaliland , sidoo kale waxaa qorshaha Tirakoob qiyaaseedkaan qeyb ka ah Aqoonyahanada iyo madaxda Maamulada Gobolada Somaliland iyo Puntland, Labadaan Maamul ayaa uun laga filan karaa inay ka soo baxdo qiyaas tirakoobeed sax ah ama la buun buuniyey si goboladaas ugu qeyb qaataan mashaariicda dib udhiska iyo horumarinta caalamka ka fulin doono Soomaaliya oo ay ugu horeyso barnaamijka NEWDEAL.
Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ka kooban 11 Gobol oo kamid ah 18-ka Gobol ee Soomaaliya ayaa noqon doona gobolo tirada dadka ku nool aan la helin ama si ku talagal ah hoos loogu dhigo, Maadaama madaxda wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta dawladda Federaalka Soomaaliya ee metelaysa Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay noqdeen kuwo qorshahaan la socodsiiya Madaxda Maamulada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya Tirakoob qiyaaseedkaan ay ku metelayaan Goboladaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Hay,adda UNFPA ayaa Tirakoob qiyaaseedkaan sida suuqa madaw ah ku socda la wada Masuuliyiinta wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta oo ka kooban:-
1- Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta , waa Mr. Mohamud Hassan Suleyman, wuxuu kasoo jeedaa Puntland, beesha Majeerteen, Cumar Maxamuud. Wasaaradda uu wasiirka ka yahay wuxuu ku yimid inuu Puntland kasoo jeedo, magaca wasaarada waa Wasaaradda Maaliyada iyo Qorsheynta dawladda Federaalka Soomaaliya, balse dhab ahaan metesho Gobolada Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, oo iyagu noqday gobolo ayaan daran, oo xubnaha Baarlamaanka ugu jiraahi yihiin dad ka dhacsan qorshayaasha ka socda Soomaaliya.
2- Agaasimaha Wasaarada Maaliyadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya Ms Faadumo ayaa lagu Magacaaba, waxaa ay kasoo jeedaa Beesha Dir/Biimaal, ma ahan qof fahansan qorshahaan Tirakoob qiyaaseedka Soomaaliya.
3- Agaasimaha Wasaarada Qorsheynta: Waa nin aad ugu dhow wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta , Beel ahaan kasoo jeeda Beesha Ogaadeen.
Dabagal aanu ku sameynay qorshahaan ayaan ukulele ogaanay in siminaar loogu qabtay magaalada Mogadishu Tiro dad ah oo qaraabo dhow la ah masuuliyiinta kor qoran iyo qaar yar oo ay u ogolaadeen qaar ka mid ah Shaqaalaha wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta Dawladda Federaalka Soomaaliya oo haatan metesha 11-ka Gobol ee Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.
Sidoo kale xiriir Lala sameeyay Madaxda Maamulada Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegay inaysan qorshahaan waxba kala soconin, aysana jirin dad metelaaya gobolada ay madaxda u yihiin, sidoo kale aqoonyahanka Soomaalida, Baarlamanka Federaalka , Xukuumada Federaalka Marka laga reebo qaar kamid dadka kasoo jeeda Maamulada Somaliland iyo Puntland oo iyaga si toos ah UNFPA ay qorshahaan ula wado ayaa sheegay inaysanba maqlin, suuragal na ahayn in Tirakoob qiyaaseed qarsoodi ah in lagu saleeyo tirada dadka Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Su,aasha Jawabta u baahan waxaa ay yihiin oo laga sugayo Madaxweyne Hasdan Sheekh, Raisul wasaare Saacid, gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari, golaha wasiirada Federaalka iyo Baarlamaanka:-
1- Mar hadii la sheegay in Kumeel Gaarkii laga baxay, Baarlamaanka, xukuumada, iyo masuuliyiinta dwladda Federaalku yihiin Soomaaliyoo dhan sababta UNFPA iyo deeq bixiyayaasha caalamka ay Soomaaliya Weli ula xaajoonayaan sidii 3 dawladood?
2- Madaxda Dawladda Federaalka, Xukuumada iyo. Baarlamaanku maxay kala socdaan qorshahaan qarsoodiga ku socda, balse saameyn weyn yeelan doona?
3- UNFPA maxaa ku Kalifaya in ay qarsoodi ku wado mashruucaan oo kale oo saameynaya mustaqbalka dhamaan Gobolada Soomaaliya, oo aan laga sheegin saxaafada gudaha, oo aan la samaynin in dadka la fahamsiiyo Tirakoob qiyaaseedkaan iyo sida loo fulinaayo (civic education), sidoo kale maxaa ku Kalifaya in Gobolada Soomaaliya qaarkood ay la xiriirto Maamulada local-ka ahaa Halka Gobolada Koofurta iyo Bartamaha aayahooda ay gacanta u geliso masuuliyiin aan matalin goboladii ay kasoo jeedeen??
3- Deeq bixiyayaasha Caalamka maxaa ku kalifaya inay maalgeliyaan qorshe aan cadeyn, suuqa madow ku socda oo aan laga tala gelin Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya madaxdooda, Baarlamaankooda, Maamulada Goboladooda aqoonyahankooda (The $6.9 USD PESS survey, funded by contributions of UN agencies, DfID, EU, DANIDA, SIDA and the African Development Bank).
Iyada oo sida xaqiiqda ah aan haatan Soomaaliya laga sameyn Karin oo ay tahay in loo maro qaab qiyaaseed ayaa waxaa ay tahay in qorshahaan Dawladda Federaalka , UNFPA iyo deeq bixiyayaasha caalamku in dib loogu noqdo, laga faaiideysto mashruucaan, civic education loo sameeyo shacabka, dhamaan madaxda Maamulada Gobolada, Baarlamaanka iyo in badan oo kamid ah aqoonyahanka Soomaaliya laga qeyb geliyo qorshahaan.
Tirakoob qiyaaseedkaan hadii aan wax laga badelin wuxuu bulshada Soomaaliyeed ka dhex abuuri doonaan khilaaf cusub, iyada oo wixii kasoo baxa aan lagu qanci doonin.

