27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

KASHIFAAD: WFP oo digniin culus u dirtay dadka reer Muqdisho, Sabab?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartay maanta oo Axad ah Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunta adduunka WFP ayaa lagu sheegay in ay soo baxeen kooxo si been abuur ah kaarar uga iibsada dadka barakacayaasha ee ku nool caasimada Soomaaliya.

Hey’adda ayaa cambaareysay tallabadaas, waxaana ay sheegtay in dadkaas matalin Karin WFP isla markaana aan wax cunto lagu helin Karin kaararka ay qaybinayaan.

Hey’adda ayaa uga digtay dadka barakacayaasha in lacag laga qaato iyadoo la siinaayo kaarar been abuur ah oo raashin lagu bixinaayo.

WFP ayaa sheegtay in arrimahan ay ka war heshay dhawaan, waxaana ay cadeesay in aysan jirin raashin kaarar lagu bixiyo oo ay ka wado Muqdisho.

Waxa ay hey’adda sheegtay in magaalada Muqdisho maalin kasta ka bixiso raashin biseel ah, kuwaasoo si lacag la’aan ah loo bixiyo.

Ugu dambeen hey’adda WFP ayaa ugu baaqday madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya in ay tallaabo ka qaadaan kooxaha sidaas sameenaya ee dadka ku dhacaya kaarar been abuur ah oo la sheegay in raashin lagu bixinaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News