25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Keating iyo Guuleed oo kulan gaar ah qaatay iyo CC oo koofurta Gaalkacyo u gudbay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya wadahadalada la filayo iney ka dhacaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaasi oo u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland.

Kulan gaar ah oo u dhaxeeya ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxweynaha Galmudug ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana kulankaasi ka horeeyay mid dhex maray C/Welli Gaas iyo Micheal Keating.

Labada masuul ayaa kulankooda gaarka ah waxay kaga wadahadleen arimaha shirarka gaalkacyo ka dhacaya iyo amaanka magaalada.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa tagay koofur magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo maamulka Galmudug.

Ujeedada ayaa waxay tahay inuu la kulmaa madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed isaga oo kala hadlaya arimaha dagaalka iyo sidii xal waara looga gaari lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News