26.6 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Keating: “Madaxweynaha cusub waxa uu la kulmi doonaa cawaaqib haddii….”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating, ayaa digniin kasoo saaray Doorashada heerka Madaxweyne ee la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Micheal Keating, waxa uu sheegay inay aad usoo dhaweynayaan hanaanka ay u wada shaqeynayaan Xubnaha Guddiga Doorashooyinka, waxa uuna tilmaamay in Beesha Caalamka aysan garab u noqon doonin Madaxweynihii lagu doorto qaab musuq-maasuq ah.

Micheal Keating, waxa uu si cad u sheegay inay adkaan doonto inay wadashaqeeyan Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha imaan doona ee lagu soo doorto Musuqa, waxa uuna meesha ka saaray in suuragalnimada inay aqbalaan Madaxweyne doorashadiisa shaki la galiyo.

Micheal Keating ayaa waxa uu sheegay muhiim in ay tahay Doorashada Soomaaliya gaar ahaan mida Madaxweynaha in ay ku dhacdo si xor iyo xalaal ah oo an laheyn musuq maasuq.

Waxa uu sheegay inay isha ku hayaan doorashada Somalia, isla markaana ay aad uga soo horjeedan in la laqdabeeyo doorashada.

Keatinta ayaa sheegay hadii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya qaab sharci daro ah lagu soo doorto in uu la kulmi doono cawaaqib xumo, marka loo eego qaabka ay ula shaqeyn doonto Beesha Caalamka.

Dhinacakale, waxa uu sheegay in uu jiro wal wal badan oo ku aadan in lagu shubto Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, maadaama Doorashooyinkii xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood si musuq maasuq ah ay ku soo dhamaadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News