28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Keating oo cadeeyay go’aanka ay ka qaaten P/L

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating oo ku sugan magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku saleysan natiijadii kasoo baxday shirka Istanbuul.

Michael Keating waxa uu sheegay in go’aanadii kasoo baxay shirka arrimaha Somalia ee Istanbuul uu yahay mid lama taabtaan ah islamarkaana go’aankaasi lagu horgaaray madal ay goobjoog ka ahaayen caalamka.

Michael Keating waxa uu tilmaamay in ujeedka madaxda ka kala soctay Dowladaha reer galbeedka looga qeybgaliyay shirka uu ahaa in addunweynaha la tuso in DFS ay ku socto wadadii loogu tallo galay balse maamulada dalka qaarkood ay yihiin kuwo aan raali ka aheyn in Somalia ay ka hanaqaado halka ay iminka joogto.

Mr Michael Keating waxa uu cadeeyay in mowqifka Beesha Caalamka uu yahay kan DFS, waxa uuna tilmaamay in natiijadii kasoo baxday shirka aan waxba laga bedeli doonin.

Michael Keating waxa uu cadeeyay in maqnaanshiyihii Puntland uusan waxba ka bedeli doonin mowqifkooda, waxa uuna farta ku goday inaan la qasbi doonin Puntland ay iyada xor u tahay go’aankeeda, balse go’aan laga gaari doono.

”Beesha Caalamka mowqifkeeda wuu cad yahay waxaan u taaganahay fulinta Siyaasad wanaag laga hirgalsho Somalia, ma jiri doonto inaan cid gaar ah u istaajino hanaanka lagu hormarin lahaa Somalia”

Michael Keating waxa uu tilmaamay inaysan suuragal aheyn in muddo intaa kasii badan ay Puntland ku cadaadiyaan wadadii hormarka Somalia, balse ay qaadanayaan go’aan muuqda oo aan ka laabasho laheyn.

Geesta kale, Michael Keating ayaa ku baaqay in sida saxda ah loo dhaqangaliyo qodobadii kasoo baxay shirka, waxa uuna rajo ka muujiyay in wax waliba ay u dhacaan sida uu wanaaga ku jiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News