25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Danjire Maxamed Afeey: Kenya iyo Ethiopia ayaa Soomaalida kaga roon madaxdooda (Dhageyso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdi Afeey, wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay difaaca eedaha badan ee Soomaalida u jeediyaan dowladaha deriska la ah dalka Soomaaliya oo la aamisan yahay iney ka dambeeyaan amni darada ka dhaceyso Soomaaliya.

Maxamed Afeey oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in IGAD ahaan aaminsan yihiin dowladaha Kenya iyo Ethiopia aysan kaalin ku laheyn burburka ka jira dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay iska burburiyeen dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in shacabka la xisaabtamaan madaxtooda.

Hadalkiisa ayaa laga dheehan karay in madaxda Soomaaliyeed aysan waxba u qaban shacabkooda, lana doonayo la xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo hogaanka Soomaalida.

Eeda ugu badan ayuu sheegay iney leeyihiin shacabka Soomaaliya, loona baahan yahay in lala xisaabtamo madaxda Soomaalida.

Dowladaha deriska la ah Soomaaliya ayaa ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo.

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/02/Afay-.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News