28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Dowladda Kenya oo digniin u dirtay ciidanka Jubbaland ee u firxaday dalkaas

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa haatan digniin culus kasoo saartay ciidamada Jubbaland ee dhowaan firxadka ku gulay dalkaasi, kadib markii looga adkaaday dagaalkii ay ciidamada dowladda kula galeen magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera Mudane Maxamed Khaliif oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa jeediyay digniinta, isagoo walaac ka muujiyay ciidamada maamulka Jubbaland ee haatan jooga magaaladaasi, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo cusub oo ciidan.

Khaliif ayaa xusay in joogitaanka ciidanka Jubbaland ay u arkaan halis amni, wuxuuna sheegay in aan la aqbali karin in halkaasi lagu sii haayo ciidanka kasoo tallaabay xadka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera ayaa soo jeediyay in si degdeg ah loo raro ciidamadaas, si looga hortago halis amni oo ka dhalata dhaq-dhaqaaqyadooda oo uu tilmaamay in khatar u tahay nolosha dadka deegaanka.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in sii socoshada arrintaan ay ka faa’iideysan karaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee inta badan weerarada culus ka fuliya halkaasi.

“Joogitaanka Ciidanka Jubbaland ee Mandheera ma ahan mid la aqbali karo, waxa ay halis ku yihiin Nolosha Dadkeenna, tani waa mid saamayneysa qaranka oo dhan” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Horay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya , isla markaana uu ku jiro Sanatarkii hore ee Mandheera ninka lagu magacaabo Billow Kerrow ayaa uga digay ciidamada Jubbaland ee ku sugan halkaasi, waxayna sheegeen inay ka qayb-qaadan karaan amni darro ka dhacda halkaasi.

Si kastaba, digniintan ayaa kusoo aadayo iyada oo Jubbaland looga adkaaday dagaalladii ka dhacay Beledxaawo iyo deegaannada hoos yimaada, inkastoo weli xiisadda labada dhinac ay ka taagan tahay qaybo badan oo kamid ah gobolka Gedo ee koonfurta Somalia.

- Advertisement -

Read more

Local News