KENYA oo duqeyn culus ka fulisay GOBOLKA GEDO

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya duqeymo diyaaradeed oo ciidamada dowladda Kenya ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya, taas oo geystay khasaare kala duwan.

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu garaacay  deegaanada Ceel-Cadde, likooleey, Buusaar iyo Garsaal, halkaas oo mararka qaar lagu arko dagaalyahanadda kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliya gobolkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in deegaanada la duqeeyey ay degan yihiin dad xoolo dhaqaqto, isla-markaana ay kasoo gaartay waxyeelo u badan dhaawac.

Sidoo kale ilo deegaanka ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo xaqiijiyey in xoolo fara badan ay ku le’deen duqeymahaasi oo ahaa kuwa is xig-xigay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Gedo iyo saraakiisha ciidamada Kenya oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ah ee laga fuliyey halkaasi.

Xaaladda ayaa maanta deggan, balse waxaa jirta cabsi iyo walaac soo wajahay deegaanka ee ku dhaqan goobaha la duqeeyey oo welo dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayo.

Kenya ayaa qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan weeraro ka fulisaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo hoostaga Jubbaland.

Al-Shabaab dhinaceeda iyaduna weeraro culus ku qaada gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari iyo deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya.