Kenya oo ku dhawaaqday go’aano ka dhan ah Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya oo dood dhinaca Badda ah haatan ay kala dhexeyso Soomaaliya ayaa markale u geftay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Moses Kuria oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa dafiray dowladda Soomaaliyeed, waxaana uu shaaciyay in Soomaaliya aysan laheyn dowlad rasmi ah.

Sidoo kale waxa uu Soomaaliya ku tilmaamay dal daciif ah oo aan awood laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Moses Kuria oo ka tirsan xisbiga Jubilee ee talada haya ayaa carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay sheeganeyso 40% biyaha Kenya, taas oo uu ku tilmaamay gar darro .

Waxa kale uu dowladda Kenya u soo jeediyay inay sameyso qodobo uu kula taliyay in ay uga aargudato Soomaaliya.

1 – In madaxda iyo ganacsatada Soomaalida ee guryaha iyo gacansiyada ku leh Kenya laga eryo dalka

2 – In la dhiso darbiga xuduudda

3 – In la xiro xerooyinka qaxootiga

4 – In madaxweyne Farmaajo oo uu isaga ku sheegay in uu yahay muwaadhin Mareykan ah uusan cag soo dhigin Kenya.

Kenya ayaa marar badan qaatay tallaabooyin ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya, tan iyo markii uu soo shaac baxay muranka Badda ee labada dal.

Dhageysiga dacwadda u dhexeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maxkamadda ICJ dib uga bilaaban doono bisha September ee sanadkan 2019-ka.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com