25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Kenya oo laga caawinayo qorshaha ay ka damacsan tahay Soomaali…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online)  Dowlada Belgium ayaa sheegtay inay ka taageerayso dowlada Kenya sidii dib dalka Soomaaliya loogu soo celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed eek u sugan dalkaasi, sida uusheegay wasiir arimaha dibada ee dalka Belgium

Wuxuu sheegay in dowlada Belgium ay qabaneyso shirk u saabsan arimaha Soomaaliya kaasi oo ka dhacaya caasimada dalkaasi, kaasi oo looga hadli doono arimo badan oo ku sabsan dalka Soomaaliya, sida dib u Celinta qaxootiga Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay inay dhankoda dhanka nabada ay ka taageerayaan dalka Soomaaliya, ayna soo dhaweynayaan hadalka dowlada Belgium.

“Ka wadan ahaan, waxaan u baahanahay saaxiibo naga caawiya sidii aan u awoodi laheyn dib u celinta qaxootiga oo ku jira xerrooyinka qaxootiga”ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya.

Dalka Kenya waxaa ku sugan qaxootiga ugu badan adduunka.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News