Dowlada Kenya oo maanta bilaabeyso duulimaadyada qaadka ee Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maanta dowladda Kenya ay si rasmi ah u bilaabeyso dhoofinta qaadka Miiraa ee la keenayo Soomaaliya, kadib heshiis rasmi ah oo ay dhowaan labada waddan ku gaareen caasimada dalkaas ee Nairobi.

Ganacsatada Qaadka Miiraa ee Kenya oo la hadlay waraabhinta ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo ay ku beegan tahay 24 July ay bilaabayaan dhoofinta qaadka, waxaana la filayaa in diyaaradaha qaadka ay maanta si toos uga soo dagaan garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale ganacsatada ayaa u mahadceliyey labada dowladood ee ku heshiiyey dib u bilaabida qaadka oo muddo xayirnaa, kadib go’aan kasoo baxay dowladdii hore ee Farmajo.

Dhinaca kale waxaa weli taagan dood u dhexeyso ganacsada Soomaalida ee qaadka iyo shaqsiyaad ay ku eedeeyeen in loo diray keenista qaadka ka imaanaya dalka Kenya.

Guddiga ganacsatada ayaa madaxweynaha ka codsaday in uu soo faro geliyo arrintaan oo cabashadoodana uu wax ka qabto, sidoo kale waxay sheegeen in ra’iisul wasaaraha cusub ay u gudbiyeen cabashadooda, isla markaana ay ka rijeynayaan jawaab wanaagsan.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Soomaaliya ay ku dhawaaqday in dib loo furay Qaadka KenyaM kadib heshiis ay wada gaareen madaxweynayaasha labada dowladdood ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhur Kenyatta oo dhowaan ku kulmay magaalada Nairobi, waxaana Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka labada dal ee dariska ah.

Si kastaba, xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda isbedel uu ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May, waxaana meesha ka baxay mad-madowgii u dhexeeyey labada dal.