KENYA oo ‘duqeyn ku dishay’ xubno ka tirsan Al-Shabaab

Nairobi (Caasimada Online )  – Dowladda Kenya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn dhanka cirka ah oo ay diyaaradaheeda dagaalka ka fulisay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Agaasimaha la dagaalanka Argagaxisada iyo Amniga Qaranka kenya David Goldman ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta ay ka dhacday jasiirada Kudhaa, isla-markaana khasaare xoog-leh lagu gaarsiiyey dagaalyano  ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

David Goldman ayaa xaqiijiyey weerarkan ah cirka oo ay daba socdeen howl-gallo dhinaca dhulka ah lagu dilay ugu yaraan 11 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilliga ay duqeynta ay dhaceysay ay dagaalyahanada Al-Shabaab wateen Kolonyo ku socdaaleysay halkaasi, isla-markaana ay weerar ku ahaayeen ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubbaland, balse la fashiliyey qorshahooda.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay sii laba jibaari doonaan howl-gallada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeynataasi ay Kenya shaacisay inay ku gaarsiisay khasaare lixaad-leh.

Weerarkan ayaa qeyb ka noqonayo howl-gallo ballaaran oo ciidamada huwanta ay ka wadaan deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa weli si aad ah ugu xoogan gobollada Jubbooyinka, waxaana ay gacanta ku hayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolladaasi.