KENYA oo shaacisay inay howlgal ku dishay 10 ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Nairobi (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay milatariga Kenya ayaa lagu faah-faahiyey howlgal ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah dalkaasi, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka dalka Soomaaliya, kaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Kenya ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaas oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Sariira iyo Kulbiyow oo ka tirsan Keymaha Boni lagu dilay 10 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Qoraalka kasoo baxay ciidamada difaaca Kenya ee KDF ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaar kale oo ka tirsan Al-Shabaab ay goobta ka baxsadeen, kuwaas oo lagu raad-joogo.

Sidoo kale milatariga Kenya ayaa xusay in ragga la dilay ay isku dayeen  inay u soo gudbaan dhanka Kenya, balse ciidamada ammaanka ay ka hortageen.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda Kenya.

Arrintan ayaa imaaneysa afar bilood, kaddib markii isla deegaankaasi dagaal ka dhacay ay ku dhinteen afar ka tirsanaa kooxda Al-Sshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fulisa Kenya, kuwaas oo aad u kordhay sanadihii lasoo dhaafay, waxaana Kenya ay ka tirsan tahay howlgalka ATMIS.