Kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada baarlamaanka dalka Kenya ayaa waxaa looga hadlayay xiriirka u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo dowlada Kenya.
Kulanka xildhibaanada Kenya ayaa laga soo saaray in dowlada Kenya ay xiriirka u jareyso dowlada Soomaaliya sabab la xiriirta dooda dhanka badda, sida ay baahisay maanta warbaahinta dalka Kenya.
XIldhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa soo saaray inay xiriirka u jaraan dowlada Soomaaliya, maadaama dacwada dhanka badda ay geysay caalamka.
“Marnaba gorgortan kama galeyno inaan jarno xiriirka nagala dhaxeeya Soomaaliya”sidasi waxaa yiri xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya.
Dowlada Kenya ayaa waxaa laga gudbiyay dacwad dhanka badda ah, waxii ka dambeeyay markii muran xoogan uu ka dhashay dhul badeed weyn oo dowlada Kenya ay sheegatay inay leedahay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com