Kenya waxay Soomaaliya u isticmaaleysaa siyaasiyiin Soomaaliyeed (Faallo)

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi; Aqristoow waxaa maalintii Isniinta, taariikhduna kubeegneyd 22-kii bishan Abriil ee 2019-ka, shir lagu qabtay caasimada Nairobi, ee dalka xurgufta arinta badda inaga dhaxeeysee Kenya. Shirkaa oo ay isugu yimadeen qeyb ka mid ah, siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, dowladda dhexee loowada dhanyahee Soomaaliyeed. Shirkaa waxaa laga soosaaray war-Murtiyeed ka koobnaa dhowr qodob, oo eey ka mid aheyd, ineey xukuumad cusuboo tan hada jirta garab-yaacda, soodhisi doonaan bisha Juune 2019-ka (Bil kabacdi), hadaan sideey rabaan looyeelin.

Marka aad eegto sawirka guude siyaasadeed (The bigger political picture), iyo xurgufta dhanka baddeena ah, ee qarankeena Soomaaliyeed kala dhaxeeysa dalka Kenya, waxaa kuu muuqaneeysa, in Kenya oo hore uga mamnuucday siyaasiyiinta mucaaradka sheegta, ineey dalkeeda kuqabtaan shirar lagu duminayo dowlada Soomaaliya, ay hada iskadaa ineey ufasaxdo’e, eeyba wax ka abaabuleeyso shirarkii dowlada Soomaaliya horeyba loogu foowdeeyn jiraye dalkeeda lagu qaban jiray, si eey cabur siyaasadeed (Political pressure) uga dhigto doowlada Soomaaliya. Nasiibdarrada! Ugu weyn ayaase ah, ineey isticmaaleeyso siyaasi-isku sheegyo, duubka sare Soomaali ka ah, balse aan garan karin, ama aanba kala jecleyn, meesha Kenya ka dabaaqtameeyso ee ah, ineey dowlada Soomaaliya cadaadis siyaasadeed saarto, buuq iyo foowdana ku furto, maadaama dowlada maanta jirta, ee matasha qaranka ummadeena Soomaaliyeed iska diiday, ineey la laabato kiista badda, ee yaalla maxkamada caalamiga ah, si loogu wada hadlo maxkamada bannaankeeda, xeer jajabna loogu xalliyo, maadaama Kenya sidaa dalbatey, una aragto ineey danta qarankeeda sidaa ugu jirto, ogtahayna in laga guuleeysanayo, mar hadii lagu kala baxayo maxkamada aduunka. Waa su’aale,  maxaa damiirka, iyo dadnimada kaqaaday, kuwan laga dhiganayo, dubbihii dalkooda lagu garaacan lahaa, si dalkaa shisheeyee Kenya ugaaro danaha qarankiisa?

Waxaa jirta xikmad aduunkoo dhan caan ka ah, oo uu yiri nin la dhoho Mark Twain, ninkaa oo noolaa intii u dhaxeeysey (30-kii Nofeembar 18350-kii–Illaa- 21-kii Abriil, 1910-kii). Ninkaa wuxuu ahaa qoraa, macallin, daabacaa, iyo garacsade intaba. Wuxuu af-qalaad ku yiri sidatan: “Patriotism is supporting your country all the time, and your government when it deserves it”, taasoo micnaheedu yahay: “Wadaniyadu waa in aad taageero, ama garab-istaagto dalkaada markasta, doowladaadana marka eey u qalanto, ama istaahisho”. Waa yaabka yaabkiise! Siyaasiyiintaa eey Kenya kushirisey Nairobi, ma intaa ayey garan waayeen subxaanallaahiye! Bal hadana aan iftiiminno kooxdan Kenya inoo isticmaaleeysee, xerada eey kusoo xareeysatay.

Siyaasiyiinta meesha isugu yimid waxeey ahaayeen illaa shan (5) qeeybood:

1-Qeeybta koobaad; Waa kuwii in mudo ahba qeeylada, sawaxanka, iyo buuqa kawaday caasimada qarankee Muqdisho. Kuwan waxaa ugu caansan “Afarta Isku Jufada ah”, iyo “Qeeyla-Quutayaasha” aan kaxishoone, meelaha la taagan ereyada ah: 91-kiibaa loo noqonayaa, iyo RW Xasan Cali Kheyre sidee raysalwasaare looga dhigay, Sida: C/Raxmaan C/Shakuur Warsame (Mr. Farmaajo ayaa xamar marti ku ah), Axmed Macalin Fiqi (Mr. 91 ayaa loo noqonayaa), Kamaal Daahir Gutaale, & C/Qaadir Cosoble, …. Iyo kuwa la midka ah. Raysalwasaaraha hala eryo, oo midkeen halagu badaladii eey bilaabeen isla maalintii raysalwasaaraha lamagacaabay, ayey maantana ku sooceliyeen. Wax cusub masoo kordhin, illeen hadafkoodu waa intaase. Nasiibwanaag! Illaa maanta weey ushaqeyn la’dahay, beriba yeelkeede.

2-Qeybna labaad; Waa kuwo xilal looga qaaday sababo kala duwan, kana caareeysan xil ka qaadistaa, oo dowlada uga aargoosanaya shirkan, iyo fowdada laga soosaaray, Sida: Cabdi Faarax Juxa (kaasoo xilka looga qaaaday qabyaaladeyntii ba’neyd, ee Wasaarada Arimaha Gudaha), iyo Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe (kaasoo xilka looga qaaday, iskudaygii gudaha ka fashilinta doowladada maanta jirta, waa siduu u abaabulay kiiskii Qalbi-Dhagax’e ), …. Iyo kuwa la midka ah.

3-Qeybta sadexaad; Waa koox in mudo ahba doowlada ka taageereeysey/difaaceeysey dhanka warbaahinta, maadaama qaarkood madaxda dowlada saaxiibo dhow la yihiin, halka qaar kalana saaxiibtinimadaa ku darsadeen, ineey isku xisbiba (Tayo) ahaayeen madaxweyne Farmaajo, balse markii eey ku hungoobeen, rajadii aheyd in arimahaa dartood xil culus loogu magacaabidoono, ayey furka ku tuureen doowlada, si eey umuujiyaan caradooda xargaha goosatay, isuguna diyaariyaan sidii eey ulasii qabsan lahaayeen, madaxda imaandoonta mutaqbalka, waa hadii madaxda maanta joogta aaneey soonoqone, maadaama dowlada maanta jirta, waqtiga kasii dhamaanayo. Dadkaa waxaa ka mid ah: Dr. Cabdi Nuur Sheekh Maxamed, …. Iyo kuwa la midka ah.

4-Qeybta afaraad; Waa kuwo dagaal qabyaaladeedoo fac weyn kujira, oo mabda’a qabyaaladeed shalayna madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku weerarayey, in mudo ahna madaxweyne Farmaajana ku taageerayey. Waxeey rajeeynayeen ineey arkaan madaxweyne Farmaajo oo dhankasta ugu sad-buriya maamullada qaarkood (Sida Jubbaland iyo Puntland), kuwa kalana u geysta, burburin eeysan abidkood kasoo kaban (Sida Gal-Mudug iyo Hir-Shabeelle). Waxeey sidoo kale filayeen, inuu madaxweeynuhu isku darsandoono awoodaha qarankoo dhan, sidii hore u dhici jirtayba.Waxeey aad uga careeysan yihiin, madaxweynahan awoodiisii sharciga aheyd udaayey raysalwasaaraha, kuna ekaaday tiisa dastuuriga ah. Ragaa waxaa horboodaya: Feeysal Cabdi Rooble (Mr. No diin Islaam!). Waxaana ka mid ah Prof. Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi), …. Iyo kuwa la midka ah

5-Qeybta ugu dambeeyseysee shanaad, Waa qeyb tirade lagu badsado, iskana ah “Sumeeynu Dhaan Raacday”, iyo halagaa dhex arko wixiiba doowlada ushiraya. Mahadsanidiin

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)
Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed.
abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid