Las Vegas (Caasimada Online) – Wakiillada waaxda socdaalka Mareykanka ayaa qabtay Khaby Lame – qofka ugu taageerada badan TikTok caalamka – kadib markii uu muddo dhaaf ku noqday dal-ku-galkiisii, sida ay saraakiisha sheegeen Sabtidii, waxaana loo oggolaaday inuu si iskiis ah uga baxo dalka.
“Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) ayaa xirtay Seringe Khabane Lame, 25 jir ah, oo ah muwaadin Talyaani ah, Juun 6, garoonka caalamiga ah ee Harry Reid ee magaalada Las Vegas, Nevada, isagoo lagu eedeeyay inuu jebiyay shuruucda socdaalka,” ayay hay’addu ku sheegtay war qoraal ah oo ay u dirtay AFP.
Lame ayaa galay Mareykanka 30-kii Abriil, balse wuxuu ku nagaaday waqti ka badan intii uu dal-ku-galkiisu u oggolaanayay, sida lagu sheegay bayaanka oo tilmaamay in la xiray Jimcihii balse isla maalintaas la sii daayay.
Lame, oo safiir samafal u ah UNICEF, sidoo kalena leh in ka badan 162 milyan oo taageerayaal ah barta bulshada ee TikTok, “wuxuu haatan ka dhoofay Mareykanka.”
Lame illaa hadda ugama uusan hadlin arrintan si shaacsan
Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fuliyay ballanqaadyadii ol’olihiisa ee ahaa adkeynta xakameynta socdaalka iyo bilaabista olole ballaaran oo masaafurin ah – arrimo qaarkood ay maxkamadaha dalkaasi diideen ama hakad geliyeen.
Lame ayaa hadda ah qofka ugu taageerada badan TikTok, isagoo leh 162.2 milyan oo raacsan. Wuxuu caan ku noqday muuqaallo aamusan oo gaaban oo uu kaga faaloodo casharro adag iyo tabaha aan waxtar badan lahayn ee lagu arko internet-ka.
Muuqaalladiisa waxaa lagu yaqaanaa calaamadda uu kusoo afmeero – isagoo labadiisa gacmood kala furan kor u jeedinaya, wejigiisuna muujinayo gacan-haad garasho leh iyo dhoolla-caddayn, isaga oo bixinaya xalal sahlan oo toos ah.
Fikradda muuqaalladiisa ayaa kusoo dhacday intii uu ku sugnaa deegaanka guryaha bulshada ee qoyskiisu deggenaa ee Chivasso, meel u dhow magaalada Turin, kadib markii uu waayay shaqadiisii makaanik ee warshadda bishii Maarso 2020.
Muuqaaladiisa si degdeg ah ayay u faafeen, waxaana lagu qiyaasay inuu kasbaday illaa $16.5 milyan oo doolar intii u dhaxeysay Juun 2022 iyo Sebtembar 2023, taasoo ka timid heshiisyo xayeysiin iyo suuq-geyn oo uu la galay shirkado waaweyn, sida lagu sheegay warbixin ay qortay Forbes.