Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda duleedka KISMAAYO oo sii kordhay

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inay sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay dagaallo u dhexeeyea laba beeleed oo ka socda deegaano hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Dagaalladan oo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil iyo dhul-daaqsimeed ayaa bilihii la soo dhaafay ka soo cusnoonaaday deegaanada Fuumo, Kooyaamo iyo Jiroole.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii ugu dambeeyey oo shalay dhacay ay ku dhinteen in ka badan 15 ruux, kuna dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo rayid ay ku jiraan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona labada maleeshiyo beeleed ay haatan wadaan dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dowlad goboleedka Jubbaland oo ku aadan dagaalladaan saameyn ku yeeshay qeybo ka mid ah Jubbada Hoose

Dirirta u dhexeysa labada dhinac ayaa sidoo kale saameysay caruurta, dumarka iyo waayeelka oo lagula dhamqay tacadiyo aad u xun, sida ay horay u warisay Caasimada Online.

Dhanka kale boqolaal shacab ah oo isugu jira beeraley iyo xoolo dhaqato ayaa isaga baxay degaanka, kuwaas oo ka barakacay guryahoodam si aysan u soo gaarin waxyeelo.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixinaya wararkii ugu dambeeyey iyo khasaaraha inta uu gaar-siisan yahay.

Halkaan hoose ka dhageyo codka.