Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax Khasaaro kala duwan geystay oo duhurnimadii maanta ka dhacay afafka hore ee Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu bartilmaameedkiisu ahaa hotel Peace oo ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo la hadlaayay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Qaraxa ay ku dhinteen 4-ruux, halka lix kalane uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan.
Sargaalka waxa uu sheegay in Qaraxa uu burbur kasoo gaaray Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan dhalooyinka ku dhagan qeybta VIP iyo qeybo kale oo ka tirsan Garoonka.
Sidoo kale, waxa uu xaqiijiyay inay jiraan Khasaaro qaraxa kasoo gaaray Ciidamo ka tirsan AMISOM, balse waxa uu ka gaabsaday inuu carabaabo tirada.
Dhinaca kale, Qaraxa ayaa noqonaaya kii koowaad oo sanadkan cusub ka dhaca magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]