Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil iyo Iiraan ayaa markale is weydaarsaday duqeymo xooggan, taas oo ka dhigan sii socoshada xiisadda dagaal ee ka dhex aloosan labada dal.
Duqeymahaas ayaa saameyn ku yeeshay magaalooyin muhiim ah, waxaana si gaar ah loo beegsaday magaalada Be’er Sheva ee koonfurta Israa’iil.
Wararka ka imaanaya Israa’iil ayaa sheegaya in duqeynta ugu dambeysay ee ka dhacday Be’er Sheva ay sababtay dhaawaca shan qof, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaalada magaalada. Wasaaradda caafimaadka Israa’iil ayaa horay u shaacisay in duqeymo horey uga dhacay halkaas ay ku dhaawacmeen in ka badan 70 qof.
Telefishinka Iiraan ayaa sheegay in weerarka saakay ay fuliyeen uu bartilmaameedkiisu ahaa saldhigyo milatari iyo xarumo sirdoon oo ku yaalla Be’er Sheva, kuwaas oo Israa’iil u aragto kuwo istaraatiji ah, maadaama ay ku dhow yihiin xarumaha nukliyeerka dalkaas.
Sawirro laga qaaday goobaha la beegsaday ayaa muujinaya burbur ballaaran oo soo gaaray dhismayaal ay dadku ku nool yihiin. Waxaa muuqda raadadkii gantaallada iyo waxyeellada ay u geysteen nawaaxiga weerarku ka dhacay.
Duqeymahan is-daba jooga ah ayaa ka tarjumaya xaalad sii cakirmeysa, iyadoo la filayo in labada dhinac ay weli sii wadaan weerarada gantaallada iyo hawlaha ciidan ee ka dhanka ah midba midka kale.
Xiisaddan ayaa weli ah mid cabsi gelinaysa gobolka, iyadoo aan weli la ogayn in xaaladdu degi doonto iyo in kale.