26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Khasaare culus oo ka dhashay diyaarad ku burburtay Kenya

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) –  Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa diyaarad yar oo maanta ku burburtay degmada Kwale ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.

Agaasimaha guud ee hay’adda duulista rayidka ee Kenya Emile Arao ayaa xaqiijiyay in diyaaradda oo lambarkeedu ahaa 5Y-CCA, ayna siday dad dalxiis u socday oo ku sii jeeday Kichwa Tembo oo ka tirsan gobolka Maasai Mara.

Stephen Orinde oo ah guddoomiyaha gobolka Kwale ayaa sheegay in diyaaradda ay ku dhacday qiyaastii meel qiyaastii 6 mayl u jirta magaalada Kwale, iyadoo ka duushay garoon yar oo ku yaalla magaalada Diani.

Waxaa dhintay dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda oo ahaa illaa 12 qof, waxayna ahaayeen dalxiisayaal kusii jeeday Maasai Mara oo inta badan loo dalxiis tego.

Sidoo kale, Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday goobta uu shilka ka dhacay ayaa muujinayo diyaaradda oo gubaneysa.

Weli lama oga halka ama waddamada ay ka soo kala jeedaan, balse dhammaantood waxay ahaayeen dad ajnabi ah oo dalxiis u yimid.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay shilkan diyaaradeed, waxaana durba goobta gaaray kooxaha gurmadka.

Dhanka kale, dowladda Kenya ayaa goobta ay ku dhacday diyaaradda u dirtay ciidamo boolis ah waxaana socda gurmad deg-deg ah.

Si kastaa Shilalka nuucaani ah ayaa ku badan gudaha dalka Kenya, waxaana ahayd dhawaan markii diyaarad yar oo ay lahayd hay’adda caafimaadka Amref ay ku dhacday duleedka magaalada Nairobi, taas oo dishay 6 qof isla markaana dhaawacday laba kale.

- Advertisement -

Read more

Local News