26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Khatar amaan oo ku soo wajahneyd Muqdisho oo la ogaaday iyo baaritaano adag oo socda (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad cabsi ah ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kadib markii laga warhelay in gaadiid qaraxyo ah magaalada ay soo galeen.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay inay heleen xog ah in xalay gaari nooca raaxada ah uu soo galay magaalada kaasi oo lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, taasina ay keentay in feejignaan ay galaan ciidamada amaanka.

Baaritaano adag ayaa ka socdo degmooyinka ku hareereysan madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qeyb qaadanaya ciidamada booliska AMISOM ee kusugan magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa baaritaanka ugu adag waxay ka wadaan hareeraha madaxtooyada gaar ahaan degmada Boondheere ilaa taalada Daljirka Dahsoon iyo xarumo kale, halkaasi oo gaadiidka hal hal loo baarayo.

Eeyaha sida gaarka ah u tababaran ee ciidamada AMISOM iyo booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale baaritaanka qeyb ka ah, waxaana gaadiidka laga dajinayaa dhamaan dadka saaran, iyadoo kadib baaris lagula dhaqaaqayo.

Goobta sida aadka ah loo baarayo ayaa ah halkii dhamaadkii sanadkii hore ay ka dhaceen qaraxyadii ay dadka badan ku dhinteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News