Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa kulan khaasa la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga magaalada Muqdisho.
Kheyre waxa uu sheegay in wakiilada laga doonayo inay yareeyan dhammaan shirarka ay ku qabtaan magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo xarumaha kale.
Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in DFS ay ka dhabeyso mas’uuliyada ka saaran la socodkooda, waxa uuna cadeeyay inaan lala socon karin haddii la wayo isla xisaabtan.
”Waxaan go’aansanay inaan yareyno dhaqdhaqaaqyada wakiilada Beesha Caalamka ee Muqdisho, waxaan ka dhabeyneynaa mas’uuliyada naga saaran ilaalinta iyo la socodka shisheeyaha martida noo ah”
”Waxaa jira waxyaabo dhowr ah oo aan ka mamnuucnay, waxaan rajeynaynaa inay aqbali doonaan waxyaabaha aan ka reebnay”
Waxa uu Kheyre sheegay in DFS aysan raali ka noqon doonin in wakiilada Beesha Caalamka ay dalka ka sameystaan sida ay doonaan.
Waxyaabaha laga mamnuucay ayaa waxaa kamid ah:
1-Yareynta xiriirada tooska ah ee u dhexeeya wakiilada Beesha Caalamka iyo Hogaamiyayaasha maamulada dalka.
2-Yareynta kulamada wakiilada iyo Siyaasiyiinta aan xilalka ka heyn DFS.
3-In waxyaabaha khuseeya caalamka iyo DFS aan lagala hadli karin cid aan aheyn Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo cida ay wakiishan.
4-Wax ka bedelka xiliyada ay isticmaalan waddooyinka mashquulka badan.
5-In Hay’adaha amaanka DFS laga diiwaan galiyo ilaalada Soomaalida ah iyo Hubka ay isticmaalan.
6-Inaan maamul Goboleedyada lasiin karin deeq aysan la socon DFS.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in sababta ugu weyn ay tahay inaanu jirin nidaam kala xadeynaaya cida ay khuseyso wadahadalka arrimaha Somalia iyo Beesha Caalamka.
Kheyre waxa uu rajo ka muujiyay in wakiilada ay aqbali doonaan isla xisaabtanka waxa uuna arrin muqadas ah ku sheegay isla xisaabtanka bilowday.
Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dowladihii hore ay dayaceen nidaamyada lagu xakameeyo shisheeyaha ku sugan dlka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]