Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre iyo wasiirka arimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa isku maan dhaafay shaqo ka joojin lagu sameeyay xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradda arimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim.
Kheyre ayaa si toos ah uga hor yimid go’aanka Juxa isagoo deg deg ugu yeeray markii uu go’aanka soo saaray shalay Sida ay caasimadda Online u sheegeen shaqaale ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha.
Labadda nin ayaa is fahmi waayay markii uu Kheyre soo jeediyay in Juxa kala laabto go’aanka uu Yaxye uga joojiyay shaqadda waxaana uu Ra’iisul wasaaruhu ku dooday labo arimood oo mid ay tahay waad ku deg degtay iyo maxaad iigala tashan weysay, laakiin Juxa ayaa labadaas erey ee Kheyre uga jawaabay waa la socotay qaska uu Yaxye ku hayay wasaradda 3 jeer oo hore ayaana kuu keenay qoraal aan kaga cabanaayo waxna kama aadan qaban ,sidoo kale Juxa wuxuu u sheegay Kheyre inuu xaq u lee yahay inuu shaqadda ka joojiyo Yaxye isagoo aan qofna kala tashan.
Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inuu keeni waayay qaab uu kaga jawaabo su’aal uu Juxa hordhigay oo ay aheyd in Yaxye Cali Ibraahim uu ka shaqeeyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo inkale kadib markii la sheegay inuu Yaxye inta badan maalinkii iska fadhiyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha badalkii uu aadi lahaa xafiiska wasaaradda arimaha gudaha.
Juxa ayaa u sheegay Kheyre in hadii ay dhibeyso xil ka qaadista nin ay qaraabo yihiin uu soo saaro warqad kale oo uu kula soo celinaayo shaqadda laakiin isagu uusan marnaba diyaar u aheyn inuu ka laabto go’aankiisa ,halkaas ayeyna labadda nin kusoo kala tageen.
Sidda ay ilo muhiim ah sheegeen Kheyre ayaa arinta kululeeyay markii uu hoos uga wacay wasiiru-dowlaha wasaaradda arimaha gudaha iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda kuwaas oo markii hore la sheegay iney shaqo ka joojinta Yaxye ku qanacsanaayeen laakiin kulan saacad qaatay oo ay Ra’iisul wasaraha la yeesheen kadib waxaa is badalay mowqifkoodii waxaana isla xafiiska Ra’iisul wasaaraha lagu diyaariyay labo warqadood oo ay isla goobta ku saxiixeen taas oo liddi ku aheyd go’aankii wasiir Juxa.
Ilo muhiim ah oo Juxa ku dhow ayaa u sheegay Caasimadda Online in laga yaabo in wasiirku is casilo hadii Ra’iisul wasaare Kheyre ku adkeysto inaan shaqadda laga eryin ina adeerkiis , sidoo kale labadda nin ayaa la aaminsan yahay iney isku heystaan awood siinta maamul goboleedyadda oo ah qadiyad uu aaminsan yahay Juxa halka uu Kheyre rabo in maamul goboleedyadda oo dhan u gacanta ku hayo, Sababta la rabo in Yaxye loogu sii haayo wasaaradda arimaha gudaha ayaa loo arkaa in la rabo inuu carqaladeeyo waxkasta oo Juxa keeno.
Waxaa dad badan aad ula yaaban yihiin hab dhaqanka Ra’iisul wasaaraha Somalia kaas oo horey ula saftay wasiirka warfaafinta Eng Yariisoow markii uu shaqadda ka joojiyay agaasimihii wasaaradaas Mr Bahlaawi hadana shalay ka hor yimid markii wasiir Juxa shaqadda ka joojiyay Yaxye Cali Ibraahim oo u dhashay beesha Murusade.
Si kastaba Kheyre ayey tani ku noqon doontaa fadexaad banaanka soo dhigi doonta caadifadiisa xili ay dadka qaar ka aaminsanayeen nin Soomaalinimo raadinaya.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]