R/W Kheyre oo Qardho ka shaaciyey inay awoodda dalka u gacan gelinayaan…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –ย Raโ€™isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay in dowlada Somalia ay ahmiyada koowaad siineyso dadka shacabka ah.

Raโ€™isul wasaare Xasan Kheyre oo khudbad ka jeedinayay magaalada Qardho ee gobalka Bari ayaa ku dhawaaqay in awooda dalka loo gacan galin doono dadka shacabka ah.

โ€œWaxaan hortiina ka cadeynayaa in wixii maanta ka danbeeya awooda dalka loo gacangalin doono shacabka Soomaaliyeed oo aan kala sooc laheynโ€

โ€œDowladu waxa ay raacda shacabka shacab aan awood laheyn waa dal aan awoodiisa muuqan, waa inaanu shacabka ku wareejinaa awoodoodaโ€

Kheyre, waxa uu sheegay in ay soo labatay rajadii umadda Soomaaliyeed waxaana uu ka digay in la dhagaysto dadka dhahay Soomaaliya waa ay burburtay waana adagtay in ay soo laabato.

โ€œKuwa sidaa dhahaaya waxaanu ka adeejin doona muwaadiniinta diyaarka u ah dhisida dalkooda meel waliba waxanu ku buuxin doonaa kuwa wanaagsan ee u danqanaaya dalkoodaโ€

Sidoo kale, Kheyre ayaa sheegay in dowlada iyo maamulada jira ay talo waliba la wadaagi doonaan dadka shacabka ah.

Haddalka Kheyre ayaa u muuqanaaya mid lagu doonayo in lagu soo nooleeyo rajada shacabka Shacabka Soomaaliyeed oo sanadihii danbe aheyn mid burburtay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News